Baro Dhambaal jaceyl oo qiiro leh


Anna laanta ubaxa adaan kuu lululayaa.

Waa maxay dhambaal jaceyl? Sidee loo qoraa dhambaal jaceyl oo qiiro leh? Baro sida loo qoro dhambaal jaceyl xiiso badan, Dhambaal jaceyl oo calaacal ah, dhambaal jaceyl waagacusub ah.

Waxaa xiriir jaceyl ina dhex maray wiil/gabar nasiib daro waan kala fogaanay. Dantu waxa ay igu qasabtay in aan u diro dhambaal jaceyl.

Waxaan caad saarneyn marka laga hadlayo macnaha dhambaal jaceyl in dad badani ay dhagta u taagayaaan.



Hadaba waa maxay Dhambaal jaceyl?

  • Dhambaal jaceyl waa warqad dareen jaceyl xambaarsan oo la isu diro waxa ay sidataa dareen gaar ah oo qofka ku cabirayo xaalada uu markaasi ku sugan yahay.

  • Waxaad arkeysaa qof qorayo dhambaal jaceyl oo calaacal ah halka kuwo qaaarkood ay qoraan dhambaal jaceyl oo amaan ah.

Isticmaalka Dhambaal jaceyl dadkii hore?


  • Waagii hore ma jirin aalada cusub ee hada jirto markii ay rabaan in ay dhambaal jaceyl u diraan qofka ay xiriir wadaaga yihiin waxa ayna isticmaali jiraan warqad iyo qalin waxaana adkeyd in boost la isugu diro. Waxaa loo dhiibi jiray qof oo lagu dhihi jiray iga gaarsii dhambaalkeyga jaceyl.

Weligeey kama tanaasuli doono in aan adi ku jeclahay. Dhalinta cusub xiliyadii burburka dalka dhambaal jaceyl nuucee ah ayeey isticmaali jireen?


  • Waxaad inta badan arki jiray saaxibadeyda oo qorayo dhambaal jaceyl inta ay warqad iyo qalin soo qaataan kadibna ay u qaadaan internet café si aysan u iloobin waxa ay udirayaaan jaceylkooda kadibna si email ah ugu diraaan.

  • Waaagaas waxaa adkeyd dirista dhambaal jaceyl waayoo dadka inta badani computer ma aysan heysanin oo waxaa loo aadi jiray internet café. Maanta waa ay ka duwan tahay in aad qorto dhambaal jaceyl ileyn aduunku wuu isbadalay oo waxaa ku soo kordhay aalado cusub.


Weligaa malaguu soo diray dhambaal jaceyl? Dhambaal jaceyl nuucee ah ayuu ahaaa?



  • Dabcan haa/Maya. Hadii ay jawaabtu tahay commenti hoos inoogu reeb.



Sidee loo qoraa Dhambaal jaceyl oo qiiro leh?

Dhambaal jaceyl?

Waxaan dareensanahy cidlo saaid ah sida markab looga dhex tagay badweynta.

Waan hubaa waad iga maarantaaa aniga, adigoo xiriir ila leh ayaan hadana kaa baqaa aniga, Ma awoodo in aan ka hadlo dhibkeyga, waayoo waxaan ka baqaa in aad iga fogaato. Si, walbaa iiga adag tahay aniga, Waxaad iga abaartay ama iga qabsatay xubinta ugu jilicsan xubnahaeyga oo ah qalbigeyga.


Ma awoodo in aan maalin ku waayo, waan ogahay hadii aan isweyno dib iima soo raadineysid. Dadku waxa ay imoodaan in aan ahay doqon aan hareynin, adiga intaasi kaaga soo go,ayne waxaan hubaa hadii aan hadalkaaga hadal dul saaro inaad iga go,eyso, inaad iga go,eyso.


Anigoo og inaad raadineyso qaladkeyga, aadna rabto inaad iga harto, adigoo idhahayo adaa u sababa in uu xiriirkeena go,o, Xanuunkeyga kuuma sheegan karo, caafimaadkeygana sidoo kale. Dadka sida dhabta ah isu jecel waxa ay qeybsadaan dhib iyo dheef, Jaceylka sidiisaba xujo malahan balse adiga heer aan kaa baqdo ayaad igaarsiisay sidaas ay tahayna habeenkaad iga xanaaqdo ama aad iga carooto waa hubaal ma seexan karo oo indhaheygu isma qabtaan.


Xanuunkeyga cid aan u sheegto malahan, cid dareemi kartana ma jirto ilaa qof nuuceyga mooyee. Anigoo og in aan agtaada ka liito ayaa hadana xiriirkaaga ku faraxsanahay. Maxaan kaaga heli la,ahay naxariista aad dadka kale u fidiso? Aniga cadowgaaga miyaan ahay? Waxaan kaliya kaa codsanayaa maalin keliya in aad dareento bini,aadanimada. Aniga waxaan ka welwelo waa adiga, hadii aan mashquulo saacado waxaan is iraahdaa ameey kaa carootaaa? Ameey kaa aamusi doontaaa iyo wax lamid ah.

Adiga markaad ogaatay in aan si dhab ah kuu jeclahay aniga, ayaad iga yeelatay sidaa doonto. Maxaa marka hore niyada iigu dhiseysay?


Maxaa saqda dhexe habeenkii farxada iila qaadaneysay? Dadka waxaan ku sheegaa inaan nahay labo si, dhab ah isu jcel, Markaan kula hadlayo wadnaheyga waxa uu u garaactamaa sidii qof xukun ku dhacayo oo kale.


Maalinta ugu fiican noloshayda waa maalintii aan kula kulmay, Xilliyadii ugu fiicnaa noloshayda waa daqiiqadihii aan kula Joogo.


Adigu waxaad tahay tan ugu qaalisan adduunkayga, tan ugu yaabka badan adduunkayga iyo tan ugu quruxda badan noloshayda.

Waxaad tahay Jaceylkeyga oo waxaad i siisay milyanis farxad ah Waana sababta aan maalin walba u dhoola cadeeyo.

Dadka waxeey dhahaan jaceylku wa dab, anigoo taa og ayaan hadana ku dhiiraday in aan taa wajao, marba hadii aan adiga kula jiraayo.

Weligeey kama tanaasuli doono in aan adi ku jeclahay.



About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger