Bilicda Caasimada 2020

Aktualisiert: Juni 16

Caasimada Soomaaliye ee Muqdisho oo sidoo kale loo yaqaano Xamar waxa ay soo martay marxalado kala duwan sida gumeysigii talyaaniga, dowlado kale duwan tusaaale ahaan, Dowladii Aadan Cadde, Dowladii Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke, Dowladii Maxmaed Siyaad Barre iyo dagaaladii sokeeye.




Waxa ay sido kale sameysay horumaro kala duwan ilaa waqtigii ay caasimad ahayd waxa ay u dhabar adeegtay colaad tii ugu dheereed.


Muqdisho waa magaalada ugu weyn dalka Soomaaliyeed waxa ayna kamid ah magaalooyinka ugu taariikhda badan dalkeena.


Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaliya ma ahan caasimad ee sidoo kale waa gobol kamid ah goboladda Soomaaliya iyadoo weyninkeedu yahay 91 km².


GOBOLKA BANAADIR

Maxaa loo yaqaanaa caasimada Soomaaliya?


Muqdisho, Xamar, Banaadir, Luultii badda Indian Ocean ( the white pearl of the indian ocean) waaana gobolka ugu yar Soomaaliya ugu dadka badan (ca. 2,2 Mio)




Maxay Muqdisho caan ku tahay?


Waqtigii ninka safraaga caank ahaa ee la oran jiray Ibn Battuta e u dhashay dalka Marookko ayaa waxa uu ka soo muuqday xeebaha Soomaaliya taariikhdu markey ahayd 1331 gaar ahaan xeebta Muqdisho.


Magaaladu waxa ay xudun u ahayd barwaaqo wuxuuna ku tilmaamay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho in ay taahy “magaalo aad u weyn” oo ay leedahay ganacsato badan oo hodan ah, oo can ku ahaaa dharka tayada sare leh ee ay u dhoofiso Masar iyo meelo kale .




Magaca Muqdisho muxuu ku yimid asal ahaan?


Habka magaca magaalada Muqdisho ay ugu baxday ma aha wax dhalanteed iyo mala-awaal ah, ee waa wax macno fog iyo qiimo gaar ah ku fadhiya. Waana sheekooyin u noqonaya taariikho fog. Waxa ayna ifinayaan dhacdooyin iyo isbedello xilliyeedyo xiriirsan.

Magaca "Muqdisho" waxa uu ka kooban yahay laba erey oo isu tegay sida magaca magaalada "Xadra-muud حضر موت".

waxa uu ka yimid isa saarka labada erey ee "Maqcad-Shaah مقعد الشاه" ereyga hore ee "maqcad" waa erey asalkiisu carabi yahay oo la micno ah meel la fariisto ama kursi ama halkii uu doortay in uu boqorku ka dhigto saldhig.


Ereyga labaad ee "Shaah" waa erey asalkiisu uu yahay faarisi, oo luuqada faarisigu carabi ahaan ku noqonaya Boqor. Waxaa kale oo uu isla ereyga "Shaah" uu afka masaaridii hore uu ku ahaa "Fircoon" ka dibna isbeddel iyo isrogrogga afafka ayaa ku soo dhacay labada erey ilaa markii dambe ay isku noqdeen "Muqdisho".


Markii qoraal ahaan afafka Laatiinka lagu qorey isla magaca Muqdisho waxa ay u dhawaaqday ama u qorantay siyaabo kala duwan. Tusaale ahaan Afka Soomaaliga waxa loo qorayaa Muqdisho, afka Carabigana مقديشوا, afka Talyaanigauna Mogadiscio, afka Ingiriiskuna Mogadishu.


Ugu dambeyn markii uu batay isticmaalka ereyga "Maqcad-Shaah" ayaa waxa uu noqday "Muqdisho".


Xigasho Buugga (Cabdiqaadir Nuur Xuseen Maax)




Sabata Muqdisho loogu yeeray luultii Badda Indian Ocean?



Waa magaalo madax oo deked weyn leh kuna taalo Badweynta Hinida ama loo yaqaano Indian Ocean, carabtu qarnigii 10aad ee uu qaatay Suldaan Zanzibar sanadkii 1871 waxaana laga iibiyay talyaaniga sanadkii 1905.




Bilicda Caaismada Magaalada Muqdisho 2020



Dalxiis ahaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxa ay lahayd dalxiisayaal fara badan waxa ayn ahaan jirtay caasimadaha afrika ugu dalxiiska badan, waxa ay lahayd goobo qadiimi ah taariikh fog leh iyo xeebaha ugu quruxda badan dunida.


Dhismo ahaan Caasimadu waxaa loo naqshadeeyay si, cajiib ah oo dadku waxa ugu yeeri jireen Itaaliyada yar ( The little Italy) oo ay ugala jeedeen qaabka naqshada, sida ay u muuqato.


Sawirkani waa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho dagaladii ka hor sida ay ahayd. Ka waran maxaa dareentay oo qalbigaada ku soo dhacay? Cajiib, Waaw sidaan miyaan ahaan jirnay?

Waxa uu bubrukii sababay in dalxiiska wadankeenu uu dib u dhac ku yimaaado xagga amniga iyo dowlad la,aanta, sababtoo ah waxaanan jirin amni lagu kalsoonaan karo oo dalxiisayaashu ku dhiiran karaan in ay soo booqdaan dalkeena inkastoo ay jiraan kuwo iyadoo saas ah yimaada si, ay buugga xusuus qorka ugu qoraan inta aysan dhiman kahor.


Dalku waxaa ku batay argagixiso iyo dad diinta ka been abuurtay, sidoo kale waxaaan meesha ka baxay shacabkii taa u istaagi lahaaa xag amni iyo dhinaca horumarka, Muwaadin walbaa waxa uu amniga dalkiisa ku haleeyay dowlad uun asigoo iloobay waajibaadka ka saran dalkiisa.


Dadku waxa ay qiimeeyaan shaqsiga markaas talada hayo ee ma qiimeeyaan dalkooda, jaceylka ay u qabaan shaqsigaas ayaa ka weyn kan dalkooda haduu xitaa yahay mid aan dalka u wanaagsaneyn, waxaana inta badan sabab u ah qabyaalad.


Dadku waxa ay dalkooda ka jecelyihiin shaqsi calooshiis u shaqeyste ah oo beriba ka tagayo.


Waxaan ilownay in siyaasigu uu yahay dabeyl, u haad haado sida dabeysha oo kale, dalkuna uu yahay kan weligiis inoo harayo oo nolosha inta inoo dhiman ku qaadan doono insha Allah.


(Xusuusnow hadaanan si, wadajir ah amniga dalkeena ugu shaqeyn, amnigeenu hagaagi maayo dalxiisayaalna warkood daaa).


Top 5 Bilicda Caasimada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho 2020



1. Xeebta Liido


Liido Beach, Mogadishu

Xeebta Liido waa wadnaha caasimada Soomaaliya waxa ay isu keentaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed Raaskambooni ilaa iyo Raas Caseyr, Qorax joog, Qurbo joog iyo dalxiiseyaal cadaan ah.


Xeebta Liido waa mid aad u mashquul badan haba ugu darnaatee maalinta isniinta iyo jimcaha oo ay dadku soo buux dhaafiyaan, iyadoo taasi loo aaneynayo maalmaha nasashada shaqada ( BEAUTIFUL WEEKEND)


Waxaa ku yaalo maqaayado caalami ah oo si heer sare ah loo nidaamiyay, hoteelo cajiib ah kuwii ugu danbeeyay.




Mar aan aniga iyo familka halkaasi waqti ku qaadaneynay waxaanba moodayay in aan Yurub joogo, qaabka quruxda badan, soo dhaweynta martida, cunto aad u dhadhan wanaagsan weliba casri ah, hawo aad u macaan badan oo hadaad fariisato aadanba kaceynin.


Waa meel aad u camiran oo ay qurbo joogto ku badan tahay. Hadaba hadii aan amnigu kawada shaqeyno waxaa ku soo dhiiran dalxiiseyaal fara badan oo ku riyoonayo in ay yimaadaan mar uun luultii Afrika.


Liido Beach, Mogadishu, Somalia




2. Daarul Salaam City


Darul Salam Garden, Mogadishu, Somalia

Daarul Salaam Citiy waa xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho waxa ayna u jirtaa ilaa 30 min (12,2 km) via Jidka Sodonka.


Sidoo kale xaafadu waxaa loogu yeeraa xaafada qurbo joogta, dadka ugu badan ee degan waxa ay ka yimideen qurbaha iyagoo ku dhiiraday in ay dalkoodu degaan, kana shaqeystaan, caruurtooduna diinta ku baraan.


Xaafadu waxa ay leedahay dhismooyin qurux badan laami nadiif ah oo toos u soo galo jidka warshadaha.


Waxaa sidoo kale laguugu diyaariyay xadiiqo caalami ah oo gudaheed markaa gasho is dhaheyso ma Dubai baad joogta mise Muqdisho?


Beerta Daaarul Salaam ee Magaalada Muqdisho

Darul Salam Garden, Mogadishu, Somalia

Sawrikani waa xadiiqada Daarul Salaam xiliga qorax dhaca oo aan ka soo qaaday, goor aan aniga iyo reerka u damaashaad tageynay. Waxaana lagu galayay 1 doollar, gudaheeda waxaa ku dhex yaalo maqaayad, kaalay iska arag ah, amnigeeduna waa mid 100%.


Waxa ay leedahay alaabta ay caruurtu ku ciyaaraan, kuwa yar iyo kuwa waa weyn. Waxaa sidoo kale lagugu diyaariyay Masjid oo goorta salaadu taagan tahay aad ku dukan karto.


Darjiimooyin aad moodo in loogu talo galay lamaanaha is calmaday ayaa sidoo kale ku dhex arkeysaaa. Qeybaha qaar waxaa loogu naqshadeeyay sida wadnaha oo kale (Heart).


Daarul Salaaam City Mogadishu 2019

Darul Salam Garden, Mogadishu, Somalia

Xadiiqadu waa cajiib sow maahan? Sidoo kale waxaan kuu soo duubnay muuqaal qurux badan oo qalbigada farxadgelinayo cadowguna niyad jabinayo " Ishii buktaay ku bikaacso"






3. Daljirka Daahsoon


The Tomb of the Unknown Soldier, Mogadishu, Somalia

Daljirka Daahsoon oo loo yaqaano ( The Tomb of the Unknown Soldier ) waa goobaha taariikhiga ah oo shacabka Soomaaliyeed qalbiyadooda ku weyn. Waa goob hadda kamid ah top 5 Sightseeing in Mogadishu oo ay dalxiisayaasha ajnabigu buuga ugu qoran si,ay u buuqdaaan waxaana ka dareemi kartaa Feedback ga laga bixiyay (5 Star )


Taariikhda Daljirka Daahsoon oo kooban





4. Suuqa Xamarweyne


Xamarweyne, Mogadishu, Somalia

Xamarweyne waa degmo katirsan magaalada Muqdisho waxa ayna kamid tahay degooyinka qadiimiga ah ee caasimada.


Xamarweyne waaa degmo hidaha iyo dhaqanka ku caan ah waxaad ka heleysaa alaab walbaa oo ku saabsan hidaha iyo dhaqanka Sooomaaliyeed. Waa degmo dadkeedu wadaniyadu ku weyn tahay, aaminsan Soomaalinimada oo kaliya.


Waa degmada kaliya ee aad wax walbaa ka heleyso, dharka hidah iyo dhaqanka, Farshaxan, Calanka, iyo alaabooyin kale.


Xamarweyne waxaa sidoo kale ku yaaalo bacadlihii hore ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa ku yaalo oo hada laga furay Muqdisho Mall oo ah mid aad u casri ah, labiskaaga saxayo.


Hadii aad adeeg u baahan tahay sida Shopping oo kale Muqdisho Mall waa halka kugu haboon ee aad ka sameysan karto.



Halkani ma ahan New York Citiy ee waa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Mogadishu Mall, Somalia





5. Masjidka isbaheysiga Islamaaka


Mosque of Islamic Solidarity, Mogadishu, Somalia

Masjidka Isbaheysiga waxa uu ka mid yahay masaajidda ugu caansan  gudaha dalkeena, waxa uu ku yaallaa ka soo horjeedka xarunta golaha baarlamaanka ee degamada waa bari.


Isbaheysiga ayaa dhul ahaan waxa uu ku fadhiyaa dhul aad u baaxad weyn waxa ku dhex yaallo maktabad weyn iyo barxad weyn oo loogu talo galay in lagu baakinto baabuurta.


Sidoo kale waxa uu kamid yahay masaajida ugu caansan dowladaha Islaamka waana qeyb kamid ah bilicda dalkeena hooyo.


Masjidkaan ayaa waxa uu ka mid yahay goobaha taariikhiga ah oo uu leeyahay dalkeena waxa uu leeyahy dad ku xiran oo jamaaco ah, kuwaas oo inta badan ku tukada salaadaha waxayna u badanyihiin mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.


Masjidak waxaa la dhisay xiligii dowladii kacaanka waxaana dhisay dowladda Sacduudiga sanadkii 1976, burbur soo gaaray dagaaladii sokeeye waxaa dib loo dayac tiray xilligii dowaddii Sheikh Shariif sheikh Axmed waxaana bixiyay lacagta lagu howlgaliyay dhismaha masjidka xildhibaanno ka tirsanaa dowladdii xiligaas jirtay iyo ganacsato Soomaaliyeed



Masjidka Isbaheysiga loo yaqaano (Mosque of Islamic Solidarity)

Mosque of Islamic Solidarity, Mogadishu, Somalia


Mosque of Islamic Solidarity, Mogadishu, Somalia
Akhriso: Waa tee Xaawo Taako?
Akhriso: Waa maxay wadaniyad?
















About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger