Baro Caasimadaha Afrika iyo Dalalkooda A-Z


Maxaa ka taqaanaaa caasimadaha Afrika iyo dalalkoodu? Kaalin nuucee ah ayeey uga jirtay caasimada dalkeena Somalia?


Caasimadaha Maamul Goboleedyada Dalkeena Somalia

  1. Caasimda Puntland: Garowe

  2. Caasimada Hirshabelle: Jowhar

  3. Caasimada Jubbaland: Bu,aale

  4. Caasimada Koonfur Galbeed: Baraawe

  5. Caasimda Galmudug: Dhuusomareeb


Sidoo kale caasimada walaalaheen Somaliland waa Hargeysa.

Caasimada, Mogadishu, Somalia

Caasimadaha Afrika iyo Dalalkooda A-Z


Waxaa laga yaabaa in aad tahay arday ama mar uun aad u baahnaan doonto barashada caasimadaha aduunka afka ingiriiska. Waxaa suurto gal ah in ay dhacdo in aad mar uun dan ka yeelato. Sidoo kale barashada caasimadaha waa mid faaiido kuu ah sida IQ ga masxkada.

Ka waran haddii lagu weydiiyo caasimada dalka Algeria oo aadan aqoonin?


Sida dhacdo dad badan oo inaga mid ah ma garanayaan caasimadaha Afrika iskaba daa caasimadaha Aduunka.


Waxaa sidoo kale laga yaabaa in aad ku baratay Afka soomaaliga ama Afka Carabiga laakin aadan ku aqoonin afka ingiriiska.


Tusaale waxaa dhameysay dugsiga sare waxaad jaamacad u aaday dalal kale waxaa suurto gal ah in aad wax ku barato afka ingiriiska.


Haddii aadan xitaa u baahan barashada caasimadaha waxaad baratay uun wax beri ku anfici doono sida in ay caruurtaada u baahdaan oo aad ka caawiso.


Dalkeena wuxuu leeyahay caasimado kale duwan sida caasimada dalkeena ee Muqdisho. Sidoo kale dalkeena wuxuu leeyahay caasimado ugaar ah Maamul Goboleedyada.


Dad badan oo inaga mid ah maanta markii la weydiiyo sheeg caasimada Koonfur Galbeed waxaa laga yaabaa in ay ku jawaabaan Baydhabo laakin Baydhabo waa uun ku meel gaar, Caasimada saxda ah ee Koonfur Galbeed waa Baraawe.


Haddii aan adiga ku weydiiiyo sheeg caasimada Jubbaland?


Waxaa laga yaabaa in aad ku jawaabto: Kismaayo balse Kismaayo waa uun ku meel gaar. Caasimada Saxda ah ee Maamulka Jubbaland waa Bu,aale.


Dal walbaa oo aduunka ku yaalo waxa uu leeyahay caasimad dalka oo dhan laga xukumo, halka uu sidoo kale leeyahay caasimado Maamul Goboleedyo sida USA, Kanada, Jarmalka, oo kale.


Hadaba aan uguda galno mowduuceena ah caasimadaha Afrika iyo magacyadooda Afka ingiriiska loogu yaqaano.


Sabab aan afka ingiriiska ugu qorayo?


Sababtoo ah waxaan arkay dad badan oo caasimada dalkeena u qorayo si qaldan,

waxana jecleystay in aan u faaiideeyo ama qaladkooda aan saxo si, aysan mar danbe u dhicin, Wax yar oo aad dalkaaga iyo dadkaaga ku caawiso ayaa waxa ay noqon karaan wax weyn oo faaiido u ah dalka iyo dadka.


Haddii aad aragto anigoo wax qaldan qorayo, waxaa fiican in aad isaxdo si,aan uga saxo qaladkeyga.


Ma jiro qof wax wanaagsan faafinayo oo jecel in uu wax qalad ah faafiyo marka laga reebo in uu si qaldan wax u fahmay, sidaa darteed waa muhiim in aynu isa saxno.



Waxaan qorayaa afar magac ee caasimadeena leedahay loogana yaqaano aduunka, Sheeg magacee afka ingiriiska loogu qoraaa?


  1. Muqdisho

  2. Mogadisho

  3. Mogadishu

  4. Mugadisho

Haddii ad ku jawaabtay 3 waxaad heshay jawaabta saxda ah, waxaadna tahay boqorka dalka

Faaiidada ay leedahay in aynu magacaasi barano iyo magacyada kale ee loo yaqaano magaalooyinka dalkeena?

Faaiidadu waxa ay tahay: Tusaale qof cadaan ah ayaa wuxuu raadinayaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si, uu u soo arkay uguna soo dalxiiso, waxa uu Google ka ka raadiyay Mogadishu, maxaa u soo baxayo?


Jawaabta:

  • Qarax, Dad baahi u dhimanayo, Dad biyo ay cabaan heysan, carab nagu jees jeeseyso.


Maxay leeyihiin?

Soomaaliya biyo ay cabaan xitaa ma heystaan halka Dubai biyaha jidadka lagu qurxiyo.


Taas xaqiiqa miyaaa?

  • Jawaabta macquulka: Maya.


Dalkeeena wuu soo maray dhibaato fara badan laakin biyo la,aanta dalkeena oo dhan ma saameyn balse iyaga dalka oo dhan ayeey u soo qaateen.


Intaas maxaa keenay?

Jawaabta: Annagaa dalkeena ka seexanay kuna haleenay siyaasiyiin dantooda gaarka ah uun raadsado.


Waxaan ilownay waajibaadka shaqsiyadeed ee naga saran dalkeena.


Tusaale:


Dalkeena wuxuu leeyahay goobo qurux badan, magaalooyin dhisan, xeebo cajiib ah weliba kuwa ugu quruxda badan aduunka, badda ugu dheer Afrika marka laga reebo jaziirada Madagaskar, haddii aan faafin laheyn kuna faafin laheyn magaca aduunka ay isticmaalaan saacaan dalkeena markii Google laga raadiyo waxaa kuu soo bixi lahaaa dal qurux badan in aynu leenahay.


Aduunku muxuu ogyahay?

  • Keliya waxa Googlka ku jiro iyo Social Mediyah.


Waxaan qorayo waa wax xaqiiqda ku saleysan haddii aad rabto Google ku qor “ Somalia” Mogadishu” “Hargeisa” Fiiri waxa kuu soo baxaayo.


Waxaa jiro goobo qurux badan oo uu dalkeena leeyahay ma ku aragtay Google ka ?

  • Jawaabta: Kuli maya.


Sawiradani hoose waxaan soo qaaday sanadkii la soo dhaafay, goor aan tagay caasimada Dalkeena ee Muqdisho.

Caasimada Somalia: Beerta Daarusalaam
Mogadishu, Daarusalaam Garden
Salaam Garden, Mogadishu


Ma isleedahay ma halkaan ayaa ah caasimada Dalkeena?


Asxaab badan oo ku xiran SOMGER waxa ay ii soo direen in aysan weligood arkin sawiro nuucaan ah.


Qish: Haddii aad dalka sawiro ka qaado oo aad Social Mediyaha soo gelineyso sida Facebook, Instagram, Flickr, Pinterest fadlan ku qor Magaalada, Dalka magaciisa.


Tusaale 1: Liido Beach, Mogadishu, Somalia

Tusaale 2: Garowe City, Puntland, Somalia

Tusaale 3: Jowhar, Hirshabelle, Somalia


Mar walbaa in aynu ku qorno Goobta sawirka, Magaalada, Maamulka, Dalka.


Waxaan rajeyn in aynu taas isla fahannay oo dalku dalkeenu yahay, dadkuna dadkeenu yahay.


Wadajir: SOOMAALIYA HANOOLAATO.


Aan ku soo noqono mowduuceena ku saabsan caasimadaha Afrika.






About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

  • White Facebook Icon
  • Somger