Dagaalkii Dhagax-tuur iyo Xaawo-Taako - Somger

( Muqdisho News) Xaaw Taako


Mogadishu ( Hawo Tako Statue) - Taalada Xaawo Taako

Halyeeyad Xaawo Cusmaan ( Xaawa Taako) oo si weyn loogu yaqaan taariikhda halganka iyo gobonima-doonkii dalka.


Waaa gabadhii ugu taariikhda fog ee gabdhaheena Soomaaliyeed waana mid kamid tahay dhalintii taariikhda inoo galay ee SYL.


Xaawo Cusmaan (Xaawo Taako) AUN waxaa la sheegaa in ku dhalatay Magaalada Muqdisho gaar ahan degmada Xamarwayne taariihdu markii ay aheyd 1925 kii qiyaas ahaan, Halka dadka qaar ay yiraahdaan Waxay ku dhalatay Qabri Bayax1920 kii, Xamarna waxaa daganeyd habaryarteed oo loo keenay iyadoo yar.


Xaawo Taako waxay ahayd shakhsiyad aad u adadag oo geesiyad ah, waxa ayna aad u necbeyd gumaytayaasha dalka qabsaday xiligaas .


Xaawo taako oo ahayd qof naafo ah oo lug ka dhutin jirtay, kama aysan reebin lug hintiskeeda rabaaniga ah inay ka qayb qaadato halgankii xorriyad-doonka ahaa oo waxay had iyo jeer ka qayb gali jirtay banaan baxyada dhagaxtuurka ahaa ee lagu dalbanayay in gumaysigu ka baxo wadanka.


Sanadkii 1948-kii Xaawo Cusmaan ( Xaawa Taako) waxay ka qayb gashay banaanbixii ugu dambeeyey nolosheeda kaas oo ay dhagar qabayaashii gumaysiga si naxaariis la’aan ah ay u huwiyeen rasaas dadkii rayidka ahaa ee banaanbaxayay, halkaas ayeyna Xaawa Taako Ku geyriyootay , iyadoo duudsan ilmo yar oo ay dhashay.



laga soo bilaabo waqtigaas waxay Xaawo Taako ka mudatay Shacabka Soomaaliyeed qadarin iyo tixgelin aad u wayn,iyadoo jiilasha kala duwan ee Soomaaliya hadba wax ka akhristo taariikhdeeda halganka nolosha qoyska iyo midka dalkeeda ay u gashay oo nafteyda ay ku weyday .


Dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay (AUN) Maxamed Siyaad Barre waxa uu Xaawa Taako u dhisay taallo lagu xasuusto , taasoo ku taalla agagaarka Tiyaatarka qaranka ( Golaha Murtida iyo Madadaalada) ee Muqdisho .


Mogadishu Statue - Hawo Tako Statue -

Taaladaasi ayaa la dhisay sanadkii 1970-kii , sidoo kale degmooyinka kala duwan ee dalka si gaar ah gobolka Banaadir iyo Shabeellaha hoose ayaa laamaha iyo xaafadaha loogu yeeray magaceeda , si la mid ah goobo waxbarasho iyo qeybo ka mid ah lacagta Shilin Soomaali, taasoo ku tusineysa in Magaceedu noqdo mid ku waara taariikhda dahabiga ah ee Soomaaliya iyo quluubta dadka Soomaaliyeed .


Waxaa la sheegaa in Xaawa-taako uu dilay nin gumeystihii Talyaaniga la shaqeynayay oo ay dhagxaan kala hortagtay, isagoo dareensanaa in ay tahay abaabulaha ugu weyn ee kicinayay haweenka Soomaaliyeed.


Dogaaladii sokeeye ayaa taaladeedii waxaa soo gaaray burbur aad u xoogan iyadoo maanta dib loo dhisay lana dayactiry.


Hadaba maxaan ka baran karnaa dhalintii halgamayaashii SYL ee maanta heerkani na soo gaarsiiyay Allah ka sukow?


La soco "Somger.com": Muqaalo, sawiro iyo wararka maanta.

About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger