Erayo Jaceyl ah - Baro erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh


Baro Erayo Jaceyl ah oo macaan - Sidee loo qoraa Shukaansi qoraal ah? Sidee loogu qoraa erayo Jaceyl - Erayo jaceyl oo amaan ah? Geeraar jaceyl ah oo gaaban - Waa maxay Jaceyl  - Jaceylku waa farxad - sawiro jaceyl romantic
Noloshu dhadhan malahan adiga la,aantaa - Waan ku jecelahy qalbi

Baro Erayo Jaceyl ah

Sidee loo qoraa Shukaansi qoraal ah?

Sidee loo qoraa erayo jaceyl oo amaan ah?

Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Geeraar jaceyl ah oo gaaban



Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Baro Erayo Jaceyl ah Sidee loo qoraa Shukaansi qoraal ah? Sidee loogu qoraa erayo Jaceyl erayo jaceyl oo amaan ah? Geeraar jaceyl ah oo gaaban - Sawiro jaceyl ah - Ubax - Sawiro romantic ah - Sawiro - sawiro love ah - Sawiro qurux badan
Ubaxa Jaceylka

Waa maxay Erayo Jaceyl ah? Sideese ugu qori kartaa qof aad jaceyl u qaaday erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh?


Jawaabta waa mid fudud: Halkaan sidoo kale waxaan kuugu diyaarinay erayo kale gaar ahan macaan erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh riix oo kaliya


Hadaba adeegso erayadaan soo socdo si,aad qalbigeeda/qalbigiisa u hanato una dareensiiso jaceylka aad u qabto iyada/asiga.




Haddii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo nafteyda adiga ayey ku tebeysaa oo ay ku qanacsan tahay, iyadoo aanan ka fekereyn culeysyada imaan kara mustaqbalka, nafteyda ayaa kuu dhego nugul, dhegaheyga waxa ay maqlaan erayadaada oo keliya ,indhaheygana aragtidaada ayaa daawo u ah.


Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo waxaana taas sabab u ah qalbiga oo aan u dulqaadan karin in uu iska kaa masaxo inta aan ku sugaayo, waa ay igu adag tahay in aan joojiyo tirinta daqiiqadaha, waxaase iiga sii adag inaan ku waayo sababtoo ah xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay, shalaaydu waa qeyb ka mid ah guuldarada laakin tartarka soo jiidashadaada waa u qalantaa qofku in uu wajaho guuldarooyin badan.


Waan kuu riyaaqaa, waxaana tahay sababta aan u noolahay haddii aniga xageyga ay sidaas tahay ogoow meel ka mid ah dunida waxaa ku nool qof riyoodiisu tahay dhoola cadeyntaada, waan ku jeclahay in ka badan inta aan wadajirno, waxaana heystaa wax walbo oo aan u baahanahay wada joogeena, waxaad tahay rajadeyda iyo dhamaan riyadeyda wax dhib malahan wax kasta oo nagu dhaco mustaqbalka wadajirkeena ayaa wax walba ka weyn marwalbana dhinacaaga ayaan taagnaan doontaa.


Jaceylku waa dulqaad iyo naxariis waxaan jecelnahay inaan runta soo bandhigno iyadoo aan qofna la niyad jebin doonin, mararka qaar waxaad tahay qofka dadka iigu dhow ee aan qalbiyada is dhaafsano wax walba.

Boqolaal qalbiyo aad ayey uga yar yihiin in ay qaadaan dhamaan jaceylka aan kuu qabo, maba ogeyn ebedkey macnaha jaceyl ilaa adiga aad iga soo hor baxday.


Waxaa tahay nolosheyda, noloshuna dhadhan malahan adiga la,aantaa, anigana farxad lama deriso adiga la,aantaa.


Waxaad tahay iftiinkeyga, waxaad tahay muraayadii qalbigeyga, waxaa tahay mustaqbalkeyga, maanta, beri iyo weligeedba.


Ha iloobin in aad tahay ruux ay nafteydu u riyaaqdo oo dadka kale iiga duwan.

Xusuusnow jaceylku waa dareen la isla sido oo qofba qofka kale dhankiisa ka daadihiyo.


Farxadeyda ugu weyn waa dhoolacadeyntaada iyo in aad mar walbaa wehelkeyga tahay.


Dhamaad


Haddii aad xiiseyneyso erayo kale oo jaceyl ah riix halkaan oo ka akhriso: Geeraar jaceyl oo amaan ah