Erayo Jaceyl ah - Baro erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh misana qalbiga farxadgelinayo



Waa maxay Jaceyl ah? Sideese ugu qori kartaa qof aad jaceyl u qaaday erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh misana qalbiga farxadgelinayo? Waan ku jecelahay abaayo/Abowe. Waan kaa helay runtii. Erayadaasi waa kuwo caajis ah oo aad ku weyneyso fursada dahabiga ah ee ku soo martay.


Si, aysan taa u dhicin baro maanta erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh misana holac ah. Hadaad isticmaasho erayadani meel walbaaa oo aad joogto weey ku soo raaadin/Ku soo raadin.


Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh in aad adeegsato waa habka ugu fudud ee aad ku hanan karto ruuxa aaad jeceshahay.


Uma baahnid in aad qurux badan taahy uma baahnin in aad hanti fara badan leedaahy kaliya isticmaal eroyo macaan oo qalbiga farxad ku reebo.

Hadaba adeegso erayadaan soo socdo si,aad qalbigeeda/qalbigiisa u hanato una dareensiiso jaceylka aad u qabto.


Hadii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo nafteyda adiga ayey ku tebeysaa oo ay qanacsan tahay, iyadoo aanan ka fekereyn culeysyada imaan kara mustaqbalka, nafteyda ayaa kuu dhego nugul, dhegaheyga waxa ay maqlaan ereyadaada oo keliya ,indhaheyga aragtidaada adiga ayaa daawo u ah.

Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo waxaana taas sabab u ah qalbiga oo aan u dulqaadan karin in uu iska kaa masaxo inta aan ku sugaayo, wa ay igu adag tahay in aan joojiyo tirinta daqiiqadaha, waxaase iiga sii adag inaan ku waayo sababtoo ah xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay, shalaaydu waa qeyb ka mid ah guuldarada laakin tartarka soo jiidashadaada waa u qalantaa qofku in uu wajaho guuldarooyin badan.

Waan kuu riyaaqaa, waana sababta aan u noolahay hadii aniga xageyga ay sidaas tahay ogoow meel ka mid ah dunida waxaa ku nool qof riyoodiisu tahay dhoola cadeyntaada, waan ku jeclahay in ka badan inta aan wadajirno, waxaana heystaa wax walbo oo aan u baahanahay wada joogeena, waxaad tahay rajadeyda iyo dhamaan riyadeyda, wax dhib ah malahan wax kasta oo nagu dhaco, mustaqbalka wadajirkeena ayaa waxwalba ka weyn mar walbaana dhinacaaga ayaan taagnaan doontaa.

Jaceylku waa dulqaad iyo naxariis waxaan jecelnahay inaan runta soo bandhigno iyadoo aan qofna la niyad jebin doonin, mararka qaar waxaad tahay qofka dadka iigu dhow ee aan qalbiyada is dhaafsano wax walba.

Boqolaal qalbiyo aad ayey uga yar yihiin in ay qaadaan dhamaan jaceylka aan kuu qabo, maba ogeyn ebedkey macnaha jaceyl ilaa adiga aad iga soo hor baxday.

Waxaa tahay nolosheyda, noloshuna dhadhan malahan adiga la,aantaa, anigana farxad lama deriso adiga la,aantaa.

Waxaad tahay iftiinkeyga, waxaad tahay muraayadii qalbigeyga, waxaa tahay mustaqbalkeyga, maanta, beri iyo weligeedba.

Ha iloobin in aad tahay ruux ay nafteydu u riyaaqdo oo dadka kale iiga duwan.

Xusuusnow jaceylku waa dareen la isla sido oo qofba qofka kale dhankiisa ka daadihiyo.

Farxadeyda ugu weyn waa dhoolacadeyntaada iyo aan marwalbaa wehelkeyga tahay.



About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger