Erayo Jaceyl ah oo soo jiidasho leh


Erayo Jaceyl ah oo soo jiidasho leh


Sidee loo qoraaaa erayo jaceyl oo soo jiidasho leh?

Waxba haka welwelin erayojaceyl.com ayaa kuu fududeyneyso erayo jaceyl oo soo jiidasho leh.

Xagee ka helaaa geeraar jaceyl Oo cajiib ah?

Waa muhiim in aan barano geeraar jaceyl sababtoo ah waxaad ku soo bandhigi kartaa heerka uu jeceylkaadu la eg yahay.


Anigoo shukaansi barad ah ayaan isweydiiyaa tollow xagee ka heshaaa geeraar Jaceyl si,aad u kasbato qofta aad jeceshahay.

Waxaana ii fududeeyay erayojaceyl.com in aan maanta aqaano sida loo kasbado gabar kastaaa.

Waxaan xusuustaaa gabar walbaaa oo aan la hadlo Facebook iima soo jawaabto waana sababta igu kaliftay in aan wax ka barto erayojaceyl.com


Qaladaadka ugu badnaa waxa uu ahaaa anigoo isticmaalayay erayo gabdhuhu ay mar hore ka tageen sida Asc, Waan ku salaamay, Waad qurux badan tahay.

Erayadaas gabdhaha waxa uu qoro maalintii kumanaan nin, sababtoo ah Xabad walbaa oo shidan waxaa saf ugu jiro kumanaan nin oo lagaa yaabo qaarkood ay yihiin shandel naagood kuna xiranyihiin erayojaceyl.com


Hadaba Baro sida loo qoro erayo Jaceyl oo xikmad leh si, gabdhuhu ay saf kuugu soo galaan adoon ahay maalqabeyn ah oo aadan wax lacag ah iyo qurux toona lahayn. Erayada waxaa kamid ah....



Erayo Jaceyl...

Guurka waa nasiib, Furiinkuse waa go,aan

Murugtu waa nasiib, Farxaduse waa go‘aan

In Noloshadu qof ku jiraa , waa nasiib

In aad ilaashataa ama ka tagtaana

Waa go‘aan, Dhamaanteen nasiib Ma lihin

Laakin waxaan leenahay go‘aan.


Qalbi waxaa ugu wanaagsan qalbi aan aqoon ilaa run Maaahee.

Dadkana waxaa ugu wanaagsan dad aan kugu ilaawin maalmaha

Ha u ahaato murug maa farxad.

Ducana waxaa ugu wanaagsan Ducada laguu duceeyo adigoon ogeyn.


Hadii aan kuu dhoola cadeeyo oo aan waqtiyada murugada iyo dhibtaada ku garab istaago, taasi macnaheedu Ma ahan in aan ku ku jecelahay, ee waxaa ogaataa tarbiyada la igu soo barbaariyay ayaa waxey ahayd, in aan qofka dhibaateysan caawiyo, farxadna u muujiyo, midse ogow aniga qalbigeyga waa sida qasriga oo kale, qasrigana qof qaaliya ayaa dago, ee ma ahan sidii wabiga oo kale oo qof kastaaa iska soo maro, Midaasna waa in aad ogaataa.


Waxaa taqaanaa magaceyga oo kaliya laakinse Ma taqaanid dabeecadeyda, waxaa taqaanaa muuqaalkeyga laakinse Ma taqaanid waxa qalbigeyga ku jira. Waxaad aragtay dhoola cadeynteynteyda laakin Ma garaneysid sababta ka danbeysa dhoola cadeyntaas marka marnaba ha isku dayin adoon aqoon waxa ka danbeeya wax walbaa in aad xukmiso waxa aad korka ka arkeyso.


Waxa ugu quruxda badan ee la helo nolosha ayaa ah Jaceyl, haduusan jirinna noloshu macno malahan. Mararka qaar noloshaada waxaa ku soo biiri doono qof kaa jeclaan doono wax walbaaa, farxadaaduna ay tahay farxadiisu, ilmadaaduna ay dhibeyso, haduu qofkaasi noloshaadu ku jiro ilaasho, noloshaadu waa qaali.


Ogow qof walbaaa kuma farxadgelin karo ilaa qof qalbigaada dagay mooyee.



Subixii ma ubaahni inaan saacadeyda ku xirto alarm si aan u kaco, maxaa yeelay waxaad ku dhex nooshahay wadnaheyga gudihiisa waaga markuu baryo waxaad u toostaa inaaad quraac noo sameyso markaad wadnaheyga ka soo dhex toosto ayaan aniguna toosaa taasi ayaa alarm ii ah.


Teleefanka aan message-ka kaaga soo diro xili walbo wuxuu u baahanyahay inaan magacaga ku qoro oo aan kuusoo diro, sida dhulka ugu baahanyahay roob teleefoonkana ugu baahanyahay jaajar ayuu jaceylkeenana ugu baahanyahay waraabin joogto ah.


Waxaa inoo dhaxeeyo badweyn, buuro, iyo bari aad u dheer, anigu maahi dabeyl lakin hal sikin isii waxaan kuusoo dirayaa jaceylkeyga, oo aan soo gooynayaa inta dhul ee noo dhaxeyso, waanba kuusoo diray maheshay xabiibi.


Roobku markuu da”ayo macquul maahan inaad aragto qoraxda, balse xasuusnoow waa halkeedii oo kama maqno, anigana

waxaan filayaa anagoo kala fog indhaha aaysan isqaban Karin, hadana weli inaan halkeenii nahay.


Marna ma arki kartid sida aan kuugu xiisay.


Marna ma ogaan kartid sida aan kaaga

taxadaro, marna madareemi kartid sidaan kuu jeclahay, waxyaabahaas dhan si aad u ogaato wadnaheyga ayey ku dhexjiraan makuu dilaaciyaa si aad u ogaato wax walbo.


Hadii aan ku dhaho waan fiicanahay beri waxaa dhici karto inaan ku dhaho mafiicni hadii aan kulano waxaa ku xigto inaan hadane kala tagno, lakin waxaa mar waliba aan ku dhihi karaa waan kuuxiisay, maxaa yeelay si joogto ah aan is badal laheyn ayaan kuugu xiisaaa.


Markuu qof si xad dhaaf ah kuu jeceyl yahay waxaad ka qaadaa ad adeyg, balse markaad adigu si xad dhaaf ah qof u jeceshahay waxaad ka qaadaa dhiiro gelin

aan dhamaad laheyn Ma ogtahay 3 eray oo aad i dhahdo adigoo indhaheyga eegayo in aan ku dareemayo inaan ahay qofka aduunka ugu nasiibka badan “Waan Ku Jeclahay” Sadaxdaas Eray nolosheyda wax weyn beey ka badalaan ee haka daalin mar walbo inaad dhagta iigu dhibciso.


Jaceylku Iyo dabeyshu waa isku mid waa labo sheey oo jirku dareemo, balse maahan shey gacanta lagu qaban karo, ama la taaban karo.


Mar Weliba aad Fariin iisoo dirto waxaan ku xafidaaa qalbigeyga, mar waliba aad i eegto waxaan ku keydiyaaa xusuusteyda, Eray walbo aad i tidhaado waxaan u gudbiyaaa maskaxda, adiga iyo ficiladaada waa kuwo ku weyn nolosheyda.

About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger