Erayo Jaceyl oo macaan


Aroos wacan

Erayo jaceyl oo macaan. Sidee loo qoraaa erayo jaceyl soo jiidasho leh? Goormee la isticmaalaa erayo jaceyl oo macaan? Baro Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh


Shukaansi aanan erayo jaceyl laheyn waa sida shaax aan sokor laheyn.



Jaceyl aanan dareen la socon waa baasto aanan suugo laheyn.


Waxaa taa u leeyahay, waxaa dhamaaday sheekadii aheyd waan ku arkay waan ku caashaqay kadibna horay la iska guursanayay.


Xitaa Waxaa dhamaaday sheekadii aheyd waan is guursanay finiito maxay rabtaaa?


Gabdhaha sanadkaan jiro waa kuwo ka duwan gabdhihii hore oo waxa ay jecelyihiin ninka romaantiga ah ee mar walbaa adeegsado erayo jaceyl oo macaan.


Gabar baa waxa la weydiiyay “ninkaaga maxaad isaga furtay?


Kulahaa markii aan isa shukaansaneynay waxa uu idhihi jiray erayo jaceyl oo macaan, waxa uu ii soo diri jiray dhambaal jaceyl waxa uu ahaaa nin romantic ah oo waxa uu ii keeni jiray hadiyado qurux badan si, kedis ah, waxa uu igeyn jiray maqaayado kaalay iska arag ah.


Waxaa intaasi u dheeraaa xushmad jaceyl iyo qadarin saaid ah. Ma moodi jirin in uu jiro nin nuucaan oo kale ah waxaana aaminsanaaa in aan ahay qofka ugu nasiibka badan dunida.



Maxaa dhacay guurka kadib?

Aroos


Guurka kadib Waxaa hawada ka baxay, qadarintii uu iqadarin jiray, erayadii macaanaa ee uu idhihi jiray, romantic warkiiba daaa.


Aniga ma rabin keliya guurka ka hor in la idhaho erayo jaceyl oo macaan ee xitaa waxaan rabay in la idhaho guurka kadib.


Waxaa taasi iiga darnaa guriga sida uu subaxdii uga baxo waxa uu imaan jiray habeenkii, kaalay aniga ma wuxuu ii guursaday in aan guriga u waardiyeeyo? Mise in aan qoys farxad iyo jaceyl ku wada nool noqono?


Fadhi ku dirir miyaa iga qiimo badan Aniga?


Waxaan isku dayay in aan taa kala hadlo, maba i qadarinaayo xitaa hadalkeyga ma dhageysanaayo. Hadalka wuuba ii soo gaabinaa haye haye. Sidee marka nin nuucaas ah ula joogaa??


Ka waran Aragtideeda mala qabtaaa?


Haa/Maya jawaabtaada hoos ku reeb hadii ay Taariikh nuucaas ah oo kale kugu dhacday.


Maxaad ka baran kartaa gabadhaas?


Nolol aan erayo jaceyl oo macaan ku dhisneyn waa sida soor aan maraq iyo caano laheyn.



Sabab aan u bartaaa Erayo Jaceyl?


Hadii aad isweydiisay Waxaa tahay beelo.


Erayo jaceyl oo macaaan waxaa u baahan nafta, jaceylkuna waxa uu ku dhisan yahay ixtiraaam iyo in erayo macaan la isdhaho xitaa guurka kadib hadii kale waxaad mudo dhiseysay ayaad hal maalin ku dumineysaaa.


Mala noolaan laheyd qof aanan erayo jaceyl oo macaan ku dhaheynin?


Jawaabtu waa iska cadahay: WAA MAYA!




Sida loo qoro Erayo Jaceyl oo macaan

Ubaxa Jaceylka

Xusuusnow maxaan kor ku soo xusnay?jaceyl aanan dareen la socon waa sida baasto aanan suugo laheyn.


Baro Erayo Jaceyl oo macaan..



Sida ay indhaheyga u jecel yihiin iney daawadaan muuqaalkaaga ayuu qalbigeyguna u jecel yahey xusuustaada iyo in aad mar walbo ku dhex jirto.


Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey in aan noolaha kuu jeclahey.


Anigoo dhul oomane ah socda misana heysan wax biyo ah hadaan xusuusto jaceylkaad I siisey dhab ahaan waxaan iloobaa haraadka waxaana gala jawi farxadeed.


Macaanto ma lihid saluug mana tihid sida noolaha oo kale waxaan aaminsanahey in aad wax dheertahey dhamaan Aadanaha.


Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax Khayaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku jeclaaday oo jaceylkii aan Khayaaliga ka aaminsanaa ayaa weerar igu soo qaadey qalbigeyguna ma habsaaminee wuxuu jeclaadey qalbi u qalma jaceylka.


Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahay anna.


Dadka waxey riiyoodaan markey hurdaan oo indhaha is geliyaan laakiin aniga Aaadanaha taas waan kaga duwanahey waayo qalbigeyga asoo soo jeeda ayuu kugu riyoodaa.


Fariintaan adigoo akhrinayaa wax yar indhaha isku qabo kadib aayar feyd indhaha waxaad arkeysaa anigoo kuu sida ubax casaan ah.


Midigta waxey kaashataa bidixda indhahana waxey kaashadaan ileyska si ay wax u arkaan anna waxaan kaashadaa adiga.


Waxaan kuu soo taagaya gacan Kalgaceyl ee aayar usoo qabso gacanteyda qalbigana geli sidii aanu nahey ul iyo diirkeeda kadib aayar talaabada iila qaad oo isii jaleeco Kalgaceyl waxaan kugu hogaaminayaa beerta raaxada.


Ma lihi khiyaar kale illaa aad ila joogto mana lihi awood kale oo aan wax ku jeclaado waayo qalbigeyga adiga ayaa durba camirey.


Xabiibti qalbigeyga ayaad ku camirtey jaceyl mug weyn anna waxaan kuu balan qaadayaa inaan ku siiyo Kalgaceyl hufan oo la mid ah kaaga.


Ilinta iga qubaneysaa waa jaceylkaan kuu qabo calaamadiis mana haayo sabab kale oo aan kugu dareensiiyo waayo maba jirto awood ka dhakhsi badan oo aad ku fahmi karto waxa qalbigeyga kuugu jira.


Waxaa tahay qofka keliya ee aan si dhab ah u jeclaaday.


Kalgaceyl maku wada galnaa, caashaqana wada doogsanaa, muxibada mawada diirsanaa, dareenka maku wada dalxiisnaa, farxada ma wada daadaheynaaa, danta meel Ma uwada jiheynaa, jaceylka ma wada xusnaa habeen iyo maalin.

About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger