Erayo Macaan Ninkaaga - Erayo macaan oo ninkaaga ku soo jiidaan karto

Aktualisiert: Sept 7


Adigaa ileh macaane

Erayo macaan ninkaaga u diri karto. Sidee loo qoraa erayo macaan ninkaaga ku soo jiidan karto? Muxuu jecelyahay ninkaaga?


Baro maanta sida loo qoro erayo macaan ninkaaaga ku soo jiidan karto.


Inta aanan uguda galin qormadeena ku saabsan sida aad ugu diri karto erayo macaan ninkaaga waa maxay jaceyl?


Jacaylku waa wax jira kuna beerma qalbiga bini’aadamka, Jacaylku wuxuu wataa raxmad iyo naxariis ugaar ah waxaana dareemi kara ruuxuu haleelo ama la noqda deris.

Jaceylku waaa sida beerta ubaxa oo kale oo waxa uu u baahan yahay in lagu waraabiyo erayo macaan oo soo jiidasho leh. Hadii la is guursaday oo guri la yagleelay macnaheedu ma ahan in aanan la istimcaalin erayo macaan ah.

Qoysaska qaar guurka kadib waaa mid sahal ku burburo halka kuwo qaar ay muudsanayaan dhadhanka dhabta ah ee uu jaceylku leeyahay.

Jaceylku waa dareen la isla sido oo qofba qofka kale dhankiisa ka daadihiyo mana ahan kaliya guurka ka hor xitaa guurka kadib.

Waatuu Abwaan Sangub horay u yiri ( hadii aan jacayl jirin nimco laguma joogeen)

Waxaa laga yaabaa lamaanaha in ay isticmaali jireen erayo macaan ah oo soo jiidasho leh guurka ka hor balse markii la is guursaday isticmaalkiisu la hakiyay.

Erayo Jaceyl oo guurka ka hor isticmaalaan dumarka sida..

Xabiibi, Xayaatii, qalbii, Nolosheyda, Jaceylkeyga, Indha u roonaheyga, macaankeyga, la jeclowgeyga, macaane, naftey u roonaheyga, ma huraankii qalbigeyga, ninka aan ragga ka doortay, laakin guurka kadib aad magaciisa Cabdi ama Axmed ugu yeerto waana sababta ninkaada naag kale u raadiyo ama uusan kugu ahayn sidii hore uu kuu ahaan jiray.

Waxaan horay ugu soo hadalnay in jaceylku yahay sida ubaxa oo kale. Ubaxuna uu u baahan yahay waraabin joogta ah hadaan la waraabinna uu qalalayo. Sidoo kale in jaceylku uu u baahan yahay insi, joogta ah loo waraabiyo, laguna waraabiyo erayo macaan ah oo soo jiidasho leh.

Hadaba gabar yaheey isticmaal erayada uu ninkaaga jeclaan jiray guurka ka hor iyo erayada aan anagu kuu diyaarinay ee soo socdo... Ha iloobin in aad fiiriso dareenkiisa sida in uu ka helay iyo in kale.

Sida loo qoro Erayo Macaan ah oo ninkaaga ku soo jiidan karto.

Xusuusnow guri walbaa waxa uu leeyahay furo lagu furo, ninkuna furahiisa adiga ayaa hayo, hadii furaha ninkaaga garan weyso oo naag taqaano uu arko wuu kaa raaci adiga ayaana sabab u ah.

Waxaa inta badan maqalnaa "ninkeyga naag kale ayuu iga raacay". "Sidii hore iima ahan". "Guurka ka hor wuxuu idhihi jiray erayo jaceyl ah oo macaan laakin markaan is guursanay ima dhaho". "Markaan isbaraneynay wuxuu ahaa nin romantic ah oo wuxuu ii keeni jiray ubaxyo wuxuuna ii soo diri jiray sms jaceyl ah oo macaan oo qalbigeyga ku dago".

Sababtu waa adiga oo garan waayay waxa uu ninkaaga jecelyahay. Sababna ha u noqon in ninkaada naag kale kaa guursado adigana aad noqoto garoob.

Waxba haka welwelin waxaan diyaar u nahay in taaa si,aysan u dhicin kaa caawino oo aad baro erayo jaceyl oo aad ninkaada kusoo jiidan karto hadii uu kula joogo iyo hadii uu kaa maqan yahay. Ninku waa canug weynaaday oo waxa uu u baaahan yahay naag kool kooliso sdia canug yar uu ugu baahan yahay kool koolin.

Isticmaal erayaan soo socodo hana iloobin in aad dareenkiisa fiiriso.

Erayo Macaan ah oo aad ninkaaga ku soo jiidan karto .

Erayo Macaan ah...

Waxaan dareemayaa nabadgelyo iyo farxad marka aan laabtaada ku jiro.

Maalin walbo adiga ayaan ku doortaa, waan nasiib wanaagsanahay in aad adigana Sidoo kale aniga i doorato.

Waxaa tahy qofka ugu horeeyo aan ka fikiro subax walbaaa marka aan hurdada ka soo kaco waxaaana tahay qofka ugu danbeeyo aan ka fikiro ka hor inta aanan seexanin.

Ma sugi karo inaaan caawa guriga kuuugu imaado. ( Istimcaal hadii aad ka ka maqan tahay uu guriga joogo)


Waan ku jeclahay in ka badan sida aan xalwada u jecelahay. Runtiina aad baan u jeclahay xalwo. ( Markaad rabto inaad ka qoslisiiso)


Nasiib ayaan u leeyahay inaan ku garab joogo maanta, berri, iyo weligeed.


Waxaad qalbigayga ka dhigtaa mid kacsan, maaankeygana tartan, bushimahayguna waxay noqdaan kuwo dhoolacadeyntaada u qumman.


Waxaa jira hal milyan oo dariiq oo aaan kugu dhihi karo inta aan adiga ku jeclahay oo runtiina ma aqaano halka aan ka bilaabo.


Waxaan ku lumay Indhahaaga, waxaan dareemayaa Nabad taabashadaada. (Marka u sharax sida ay u dhaqaaqdo midkastoo dareenkaaga ah.)

Goorta aad daafaha wareegeyso, jirkeyga oo idil wuu yaqaanaa.

Waxaan rajeyn in aad hadda ila joogto.

Aad baan ugu faraxsanahay in aan adiga ku heysto.

Waxaan kuu diyaarinooyaa cashadii aad jecleyd, ma sugi karo in aad guriga timaado.

Erayo Macaa Ninkaaga Xiliga sariirta aad rabto in aad la, aado.


Aan kulano caawa aniga iyo adi, waxaan rajeyn in aad jeclaan doonto halka ay ku dhamaaneyso ( goorta aad rabto in aad sariirta jiifka la tagto).


Waxaan rabaa caawa in aan caruurta ciyow seexiyo?


Ma sugi karo caawa.... Aad baan u jiriricoonayaa in aan taa ka fikiro.


Caawa sariirta tartan?? Waxaa laga yaabaa in aad ku guuleysato bilad dahabi ah!


Maxaan xirtaa caawa? Dooqaada?


Waxaan ka fikirooyaa in aan caawa kula casheeyo. Sidee u aragtaaa?


Waa maxay waxa ugu dareenka badan ee aan kuu sameyn karo goorta aan ku arko?


Waa maxay kalarka aad ugu jeceshahay in aan hoos ka xirto, kaliya cajiib, waad ogtahay waa goor dambe.

About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger