Fariimo jaceyl ah oo soo jiidasho leh


Ubax Jaceyl

Sidee loo qoraa fariimo jaceyl ah oo soo jiidasho leh? Waxaad jaceyl u qaaday qof, waxaad rabtaa in aad u dirto fariin jaceyl oo macaan ah ama qoraal jacayl ah oo macaan hadaba waxaad timid halkii aad ka baran lahayd sms jaceyl ah oo soo jiidash leh.


Qish: Qormooyinka todobaadkii la soo dhaafay halkaan hoos ka akhriso..


  1. Sidee ku ogaan kartaa wiilka ku jecel?

  2. Baro erayda raga jecelyihiin

  3. Geeraar jaceyl ah oo gaaban

  4. Baro Erayo Jaceyl ah

  5. Sidee loo qoraa Shukaansi qoraal ah?

  6. Sidee loogu qoraa erayo jaceyl oo amaan ah?

  7. Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh


In aad qof jeclaato caado ahaan waa dareen fiican oo weliba qurux badan hadii qofkaasina uu dareen lamid ah kaaga kuu qaado waa kan ugu fiican. Ma jiro wax ka qurux badan in aad dhadhamiso jaceylka dhabta ah.

Ma jiraa wax ka farxad badan markaad subaxdii soo toosto oo aad fiiriso telkaaga misana aad ku aragto fariimo jaceyl ah oo ay kuu soo dirtay qoftaada ama qofkaaga? Erayadaasina ay ahaayeen erayo jaceyl ah oo aad u macaan sida sms kaan oo kale..

„Ma jiro waxa aan hadda la barbar dhigi karo farxada aan waqti xaadirkaan dareemayo oo ah heysashada qof adigoo kale ah, subax wanaagsan qalbi.

Waa cajiib sow maahan? Hadii ay erayadaasi ku cajab geliyeen halkaan farta ka taago.


Inta aanan uguda galin sida loo qoro fariimo jaceyl ah oo soo jiidasho leh waxaaan rabaa in aan wax yar ka taabto dhadhanka uu leeyahay jaceylku iyo waxa uu yahay jaceyl?


Waa maxay Jaceyl?

  • Jaceylku waa naxariis, waa dareen aad uqurux badan.

  • Jaceylku waa rabitaan wayn oo soo jiidasho, ka helitaan iyo xushmadna ay ku dheehantahay.

  • Jaceylku waa dareen la isla sido oo qofba qofka kale dhankiisa ka daadihiyo.

  • Jaceylku ma aha mid lagu qeexi karo ama lagu sifayn karo hal qoraal.

  • Jaceylku waa nolol, noloshu waxay ka unkantaa meel jacayl kajiro meel nacayb kajirana nolol kama jirto.


In aad hesho jaceyl dhab ah:

  • Helitaanka jacayl dhab ah ma ahan wax adag laakiin waxaa adag in la joogteeyo.

  • Noloshu Dhadhan Ma Yeelato Jacayl La'aan.! Jacaylkuna Macaan Ma Yeesho Kalsooni La'aan.! Kalsiinidu Ma'aha Mid Dhalata Farxad La'aan.! Farxaduna Ma'aha Mid Timaada Naxariis La'aan.! Naxariistuna Waa qofka aad adigu jeceshahay.


Faaiidada Fariimo jaceyl ah:

  • In aad sms ka qofka aad jeceshahay eegto waa faaiido, in aad akhrisana waa u muhiim, in aad u bogto kuna dhoola cadeysana waa u farxad.

Marka si,aad farxadaasi qofka ula wadaagto baro maanta fariimo jaceyl ah oo soo jiidasho leh.


Hal qoraal oo aad u dirtaa qofka aad jeceshahay ayaa waxa uu bedeli kara jihadeeda/jihadiisa.


Waxaan intaasi uga gudbayaa faaidada sms jaceyl ah uu leeyahay marka aan kula dardaarmo:

Ha dhibsan qof ku jecel, waayo waxaa heysta dhib ka badan midka aad ka tabaneyso adiga.

Hana iloobin dadka wanaagsan waa sida shumaca oo kale waxa ay naftooda u dhibaan am ay u gubaan si, ay iftiin u siiyaan dadka kale.


Qalbi wanaagsan markaad leedahay, ogow farxaduna deris beey kula tahay oo waxaad noqoneysaa qof mar walbaa faraxsan, dadkuna waxa ay ku dhihi doonaan "Maxaad ku soo quraacatay maanta, waxaa kaa muuqdo farxad aan caadi ahayn.



Aan ku bilaawno qormadeena ku saaabsan Fariimo jaceyl ah oo soo jiidasho leh.

Sms jaceyl ah

Fariimo Jaceyl ah oo soo jiidasho leh


  • Dhoola cadeyntaadu waa waxa aan ku noolahay waqti xaadirkaan.


  • Waxaad xaday qalbigeyga mana rabo in aad ii soo celiso.


  • Adigaan kugu dhex dhumay mana rabo in la iga kaa soo dhex helo.


  • Waxaan hayaa sababo badan oo aan u dhinto, laakiin mid uun aan u noolaado, taasina waa adiga!


  • Waxa kaliya ee aan rabo inaan khabiir ku noqdo waa adiga uun in aan ku jeclaado.


  • Waxaad sidataa furaha wadnahayga gabi ahaanba cid kalena ma furi karto.


  • Waxaan rabaa oo keliya seddex shay: indhahaaga oo aan ooyi doonin, bushimahaaga oo aan been sheegi doonin, iyo jaceylkaaga oo aan dhiman doonin.


  • Waxaan ku siin lahaa wax walboo aad ku dhoola cadeyn kareyso sababtoo ah dhoola cadeyntaadu waxa ay ifisaaa qalbigeyga.


  • Isii wadnahaaga sababtoo ah keyga mar horaan ku siiyay.


  • Waxaad sabab u tahay in aan dhoola cadeeyo iyo in aan faraxsanaado. Waan Ku jeclahay.


  • Magacaaga ayaan ku qoray samada, laakiin dabaysha ayaa qaadday. Magacaaga ayaan ku qoray ciidda, laakiin hirka ayaa qaaday. Magacaaga ayaan ku qoray qalbigayga, weligiisna wuu ku qornaan doonaa.


  • Waxaad tahay xiddiga ugu iftiinka badan ee ifiya noloshayda maalin kasta.


  • “Adigu, waxaa laga yaabaa in aan kuu ahay hal qof laakin anigu waxaa ii tahay aduun.”


  • “Nolosheyda Waxaa buux dhaafiyay riyo maalmeeed, waxaan isku dayay in aan joojiyo in aan adiga kaa fikiro balse taas waan ku fashilmay. Hadda waxaan u baahanahay jaceylkaaga. Waan kuu xiisay.”


  • Waan ku jeclahay- tani wa waxa ugu yar ee aan ku dhihi karo. Waxaan rajeyn in aan cabiri karo dareenka dhabta ah ee aan kuu hayo.


  • “Subax wanaagsan Jaceylkeyga, boqoradeyda/boqorkeyga, waxaan kugu jecelahay wax kastaa, qurux badaneey/ qurux badanow.”


  • Waxa ay dhaheen jaceyl lama arki karo, waa la dareemi karaaa oo keliya. Laakin dadkaasi weey qaldanaayeen, waxaan arkay Marar badan. Waxaan ka arkay Jaceylka dhabta ah Indhahaaga waana waxa ugu qurux badan ee aan arkay weligeey!


  • Waan ku jeclaaday, waan ku jeclahay, waana ku jeclaan doonaa weligeey.


  • Waxaa jiro labo xili oo aan rabo in aan adiga kula joogo, hadda iyo weligeed.


  • Ma jiro waxa aan hadda la barbar dhigi karo farxada aan waqti xaadirkaan dareemayo oo ah heysashada qof adigoo kale ah.


  • Hadii aad ahaan lahayd buug, waan ku akhrin lahaa oo ku akhrin lahaaa. Waaan ku jeclahay Qalbi.


  • Waxaan kuu ballan qaadayaa inaan kaa ilaalin doono xumaanta adduunka oo idil, Kaliya waxaad iga balanqaadeysaa inaad ila joogi doonto markasta. Waan ku jeclahay.


  • Hadaan ku so Waco Macnahu Ma'aha inaan iska kaa soo Wacaayee, Balse Qalbi Aad Yeelatay oo ku Xiisay Baa Codkaaga Raba inuu Maqlo.


  • Qalbigeygu waxa uu ku qaboobaa aragtidaada, indhaheyguna waxa ay ilintu daadiyaan markaad hab isiiso oo aad ii sheegto in aad i jeceshahay. Subax wanaagsan Qalbi.


KALA SOCO QEYBTA XIGTA SOMGER.COM



Hadii aad xiiseyneyso barashada erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh ama in ka badan inta aan halkaan ku soo qornay, waxaad ka baran kartaa erayojaceyl.com.

About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger