
Waxaa qalbigaaga ku soo dhacay geeraar amaan ah, waxaad isweydiisay sida loo qoro geeraar amaan dumar oo macaan, Geeraar jaceyl oo gaaban, Hadaba waxaa timid halkii aad ka baran lahayd wax walbaa oo ku saabsan geeraar sida geeraar jaceyl, geeraar calaacal ah, geeraar amaan ah iyo geeraar xiiso jaceyl leh.
Inta aanan uguda gelin qormadeena ku saabsan geeraar amaan ah oo aad ku soo jiidan karto qofka aad jeceshahay, aan isweydiino maku hanan kartaa qof aad jeceshahay keliya geeraar jaceyl oo amaan ah?
Jawaabtu waa: MAYA!
Hadaba maxaa kale oo aan u baahanahay?
Dabcan waxaad u baahan tahay erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh, hadii aadan aqoonin waxba haka welwelin somger.com ayaa kaa haqabtirayo. Ka baro linkiga hoose..
Shukaansi Jaceyl iyo Sheeko Mcn
Sawiro Jaceyl romantic ah
Ugaar ah xaasaska hadii aad iskaabula tahay laguuma ogolo in aad akhriso..
Geeraar amaan ah oo soo jiidasho leh

1. Geeraar amaan ah oo soo jiidasho leh
Make-up may taqaanoo
Eebbe midabku siiyeey
Magaalada ku joogtaa
Maariin xariirleey
Indhihii mar milicsada
Maqsuud iyo bar weeyaan.
2. Geeraar amaan ah oo soo jiidasho leh
Macbuudkaan ku dhaartaye
Midabkeedu waa dhiin
Milicsiga jaleecada
Muraayad baa lamoodaa
3. Geeraar amaan ah oo soo jiidasho leh
Queen adiga mooyee
Koow madhaho hablaha kale
Kalaankayga uma furo
Hablaha koonkaan kunool
Kashayda adaa kunool
Kubeeray kalgacal dhabee
Kadhawr kurbadiyo kadeed
4. Geeraar amaan ah oo soo jiidasho leh
Sawirkaagu inanyahay
Soojiiday dhaayaha
Sanqaroorka kuguyaal
Sunniyaasha kalarogan
Sida u aad udhigantahay
Soomaali idilkeed
Kaa soocday dumarkee
Hasiidaynin caashaqa
5. Geeraar amaan ah oo soo jiidasho leh
Inkastood mariinkiyo
Magacaba ka tahay dumar
Marna kulama simi karo
Inta kaala mida magac
Muuqaal hadey tahay
Maankiyo wax garadkiyo
Midabkaaga dahabka ah
Mililicada awgaa
Markii aan ku eegaba
Milicsiga ku wacanay
Maskaxdeyda adigaaa
Dhex mushaaxinaayo
Marna kama dhamaatide
Kolba waxaan matalaaa
Maanta meeshaad joogtiyo
Maradaad ku baxaysiyo
Sidii madax sideedii
Hadalkaaga miisaaman