Baro Geeraar jaceyl ah oo gaaban weliba qalbiga taabanayo


Geeraar Jaceyl ah oo gaaban

Sidee loo qoraa:


  1. Geeraar jaceyl ah oo gaaban?

  2. Geeraar jaceyl oo amaan ah?

  3. Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh?

  4. Heeso qoraal ah oo macaan?

  5. Raaxada ragga ay jecelyihiin


Waxaan jaceyl u qaaday lamaanaheyga, waxaana doonayaa in aan la wadaago dareenkeyga, waxaa dhab iga ah jaceylka aan u hayo mana doonayo in ay iga dheeraato. Waxa ay kasbatay qalbigeyg mana jiro ruux aan iyada ka doorbidayo.


Marwalbaa waxaa ii sawiran arageeda farxada badan, dabeecadeeda wanaagsan, indhaheedana naxariista leh, Dhoola cadeynteeda qushuuca leh, dhabanadeeda cajiibka ah, dhexdeeda taakada ah.


Alla Alla mar lee meey oorideyda noqoto..


Intaas oo keliya kuma eko ee waxa ay badashay dabeecadaheyga, waxa aan noqday maxbuus qof iyada uun ka fikiro, qalbi kalena aanan lahayn.


Hadaba waxaan rabaa in aan u qoro geeraar jaceyl ah oo gaaban xiiliyada ay hurdada ka soo kaceyso sida subaxdii oo kale ama habeenkii waqtiga ay seexaneyso, si,aan u noqdo haraaga qalbigeeda, Qofka ugu danbeeyo xusuusteeda. Ha eegto telkeeda, hana xusuusnaato in aan u hayo jaceyl dhab ah.



Jaceylku waa dareen qurux badan laakin nasiib daro qof walbaa ma dareemo. Waxaan maqli jiray hees uu qaaday fanaanka caanka ah ee Cabduqaadir Jubba, heestaas oo ahayd hees jaceyl ah oo weliba xambaarsan dareen aad u qurux badan.



Heestaasi erayadeeda waxaa kamid ah:


  • Waa howl aduunyee

  • Ma ii ihiilineysaaaa

  • Qofba waa halkiisee

  • Ma ii hagar baxeysaaa

  • Waa halis nafteyduye

  • Hadma hadma

  • Goormaan ku helayaaa?


Baro 8 sadar oo ka qurux badan waan ku jeclahay



Aan isweydiino naftu maxay u baahantahay?



Geeraar jaceyl ah oo gaaban

Sidee loo qoraa geeraar jaceyl ah oo gaaban?

Jawaabta: Weey fududahay, waxaana kuu fududeeyay Somger.



1. Geeraar jaceyl ah oo gaaban

  • Canabeey aduunyada

  • Adaan kaa arkoodoo

  • Ifka noloshu waa adi

  • Eegmada jaleecada

  • Aayar socodka laafyaha

  • Afka dahab lamoodiyo

  • Itaalkiyo indhaha wacan

  • Asluubtiyo xishoodkiyo

  • Aqoontiyo wax garashada

  • Anfariiray aniguye

  • Ilaahay u mahadceli

  • Astur weeye dumarkuye

  • Aqal kaalay ila unug

  • Iidaadehee ubad

  • Abaaraha aan moodnee.


2. Geeraar jaceyl ah oo gaaban

  • Naftaan kuu baahanoo

  • aawadaa ubuseeshay

  • baahididii kalgacalkuna

  • baaqi ay ku tahay wali

  • ma baxnaanin karaysaa?


3. Geeraar jaceyl ah oo gaaban

  • Cirrada aad arkeesana

  • Cimri kuma imaanine

  • Caashaqaagii weeyaan

  • Adigu aad cidleesaye

  • Ha canaadin ruuxaad

  • Aduunkiisu tahay.


4. Geeraar jaceyl ah oo gaaban

  • Queen adiga mooyee

  • Koow madhaho hablaha kale

  • Kalaankayga uma furo

  • Hablaha koonkaan ku nool

  • Kashayda adaa ku nool

  • Kubeeray kalgacal dhabee

  • Kadhawr kurbadiyo kadeed.



5. Geeraar jaceyl ah oo gaaban

  • Sawirkaagu inanyahay

  • Soojiiday dhaayaha

  • Sanqaroorka kuguyaal

  • Sunniyaasha kalarogan

  • Sida u aad udhigantahay

  • Soomaali idilkeed

  • Kaa soocday dumarkee

  • Hasiidaynin caashaqa


6. Geeraar jaceyl ah oo gaaban

  • Ubax soo baxaayoo

  • Abuurkiisu haagaagay

  • Indhuhu doogsanayaan

  • Ayaad iila meel tahay

  • Adkeysan meysu nafteyduye

  • Inta dunida joogto adigaan

  • Kaa doortay u hadaaqdaa nafteyduye

  • Inta qurux la sheegana adigeey kuu dhamaatay

  • Ogow gacaliso in aad tahay

  • Udub dhexaadkii nolosheyda.





About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

© 2020 by SOMGER.COM.

Join My Mailing List

  • White Facebook Icon
  • Somger