
Geeraar Jaceyl: Sida loo qoro geeraar Jaceyl oo soo jiidasho leh.
From : naf kuu oo man
Ku bilow aboowe/abaayo marka hore iga guddoon salaan sidato wanaag sarifaneyso xishood, sahmineysaa jaceyl, saadaalineysaa aroos sifeyneysaaa xumaan, sugeysaa sacabo furan iyo kalgacal salaan kadib, waxaan rabaa in aan in aan wax ku dhaho taasoo qalbigeyga ka soo go,day..
Garab baan kaa rabaa
Gacal aan wadaagnoo
Galabtii alle keeno
Garbahaan isku hayaa
Gargaar ii fidi
Haddaan ku waayo habeenkii
Hurdo waan ka quustaa
Harsina warkeeda daa
Halbowlihii dhiigga sidey iyo
Hungurigaa I istaagey
Hamuun baa ii heysee
Hal mar ii imow
Adaan kuu hilboobee
Intaan iilka lay dhigin
Itaan alwaaxa laygu xirin
I saar sambabada agtoodiyo
Saableyda caloosha I saar
Si uun aan u maqsuudo
Sahal ma ahan caashaq
Sidaan ha ii gelin
Geeraar Jaceyl :
From : naf loo dhib qabo
Ku bilow aboowe mise abaayo
Sahal ma ahan caashaqu
Mar hadduu ku saaqo
Wadnahaana surnaado
Suuradaada wacan baa
Saqda dhexe habeenkii
Sahwi baan dareemaa
Siduu ii saaqay daranaa
Sida aan u surnaa
Saqdi dhexe habeenkii
Barbarkaan u jiifsado
Baryo ka soo kici maayo
Bogga iyo calooshiyo
Beerkaa la iiga badan yahay
Bartaada hadaan arko
Bisha afar iyo tobnaad baa
Ber walba ku moodaa
Bilicdaada wacan baa
Bartamaha habeenkii
Bilicsami u eegaa