
Geerar Jaceyl oo amaan ah? Sidee ugu qori kartaa qof aad jaceyl u qaaday geeraar jaceyl oo amaan ah ama geeraar amaan ah?
Sidee loo qoraa Shukaansi qoraal ah?
Sidee loogu qoraa erayo jaceyl oo amaan ah?
Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh
Inta aanan uguda galin sida loo qoro geeraar jaceyl oo amaan ah, aan kuu qishno qormooyin cajiib ah oo ku saabsan sida loo qoro erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh iyo qormoyooyin kale kuwaasoo kala ahaaa, raaxada guurka, erayada raga ay jecelyihiin, sawiro jaceyl romantic ah, sida aad ku ogaan karto jaceyl daacad ah, waa maxay jaceyl?
Hadii aad xiiseyneyso barashada erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh ama in ka badan inta aan halkaan ku soo qornay, waxaad ka baran erayojaceyl.com.
Sidee loo qoraa geeraar jaceyl oo amaan ah?

Waxaa laga yaabaa in aad taqaano sida loo qoro geeraar jaceyl oo soo jiidasho leh balse aadan aqoonin geeraar jaceyl oo amaan ah.
Ama waxaa suurto gal ah in aad taqaano geeraar calaacal ah oo aad ku muujin karto dareenka jaceyl ee ku hayo.
Hadii aad daawatay filimkii la oran jiray Man oo ahaa filim aad u cajiib ah misana leh qiso jaceyl oo dhab ah, waxaan hubaa in aad xifidisan tahay erayadii macaan ee uu isticmaali jiray aktarka caanka ah ee lagu magacaabo Aamir Khan. Waa xaqiiqo asxaab badan oo ku xiran shabakada somger.com in ay xifdisan yihiin qisada jaceyl ee filmkaasi leeyahay.
Hadii aadan daawanin filmkaas qisada macaan leh waxaad ka daawan kartaaa Youtube ka adigoo ku qoraayo: MANN Afsomali HD.
Jilayaasha filmka:
1. Aamir Khan
Erayadaasi maxaa kamid ahaaa?
Dabcan qof walbaa oo daawaday filmkaasi wuu yaqaanaa...
Aamir Khan inta aysan isbarnin Manisha Koirala waxa uu isticmaali jiray geeraar jaceyl oo soo jidasho leh, geeraarkaasi waxa uu ahaa geeraar jaceyl qof kugu cusub ah aad u isticmaali karto waxaana kamid ahaaa..
Adiga markaan ku arkay geeraar ayaan soo xusuustay...
Haadka samada duuliyo
Hibashada kalgacalkaan
Kaa heebinaayay
Ma hurdo habeenkii
Ma harsado dharaartii
Haka baqin sheekada
Hadal kuu dhameeyoo
Kuu huurshay mirahoo
Ma qashayee macaaneey?
Jawaabta: Adigaaaaaaaaa
Geeraar Jaceyl oo amaan ah

Geeraar Jaceyl oo amaan ah 1
Haddii dumar asluubiyo
Dabci fiican leeyahay
Dulqaad tii u dhalataay
Dadnimadiyo sharafta
Duco waalidkeyd
Tii loogu daraay
Daacadnimo waxaa helaa
Danahooda taam noqon
Duulkii Illaah iyo
Diintiisa caabuda
Dariiqii Rasuulkana
Aan dacalka dhaafine
Waxaa ugu danleeyhay
Waa maalmo duniduye
Dumar taan ka doortaay
Ila garo danteenoo
Dowga toosawan ii raac.
Geeraar Jaceyl oo amaan ah 2
Ileys shumac baxaayiyo
Iftiinkii nalkaa tahay
Ubax Soo dilaacoo
Aroo joogo baa tahay
Neecaaw udgoon iyo
Saxansaxo ayaa tahay
Afar iyo tobonaad iyo
Dayax ololayaa tahay
Garaad caaqil sare iyo
Dhal ugaas ayaa taahy
Boqortooyo aadmiga
Kuwiin edeb lahaa tahay
Riyadii aan sugayaay
Intee baad ku sugan tahay?