Jaceyl Daacad ah - Baro sida ugu fudud ee aa ku ogaan karto Jaceyl daacad ah - Jaceyl daacad ah waa

Aktualisiert: Aug 20


Sidee lagu helaa jaceyl daacad ah?


Baro Erayo Jaceyl ah

Sidee loo qoraa Shukaansi qoraal ah?

Sidee loogu qoraa erayo jaceyl oo amaan ah?

Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Geeraar jaceyl ah oo gaaban


Jaceyl Daacad Ah in la helo waa sida buurta buuraha ugu dheer adigoo korayo. Hadaba sidee aad ku ogaan kartaa jaceylka Daacada ah, qof si dhab ah kuu jecel.

Qof walbaa wuxuu jecelyahay in uu heli Jaceyl Daacad ah, qof si dhab ah u jecel laakin dadka inta badani jaceylkooda daacad uma wada noqdaaan mana ka run sheegaan marka laga reebo dad fara ku tiris ah oo sida Qeys iyo Leyla oo kale ah.

Jaceyl daacad ah waxaad ku ogaan kartaa astaamahaan soo socdo...


Baro sida ugu fudud ee aa ku ogaan karto Jaceyl daacad ah - Jaceyl daacad ah waa..


Qofka sida dhabta ah wax u jeceli wuxuu u ilaaliyaa, misana sharfaa Lamaanaha kale ee uu jecel yahay si ka badan sida uu u daryeelo Naftiisa.

Qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay wuxuu noqday Qofka ugu dambeeya ee aad ka Fikirto Habeenkii iyo Qofka u horeeya ee ku soo dhaca Qalbigaada Subaxdii markaad Indhaha kala qaado.

Qofka sida dhabta ah wax u jecel Mar kasta oo uu soo dhaco Talefoonkiisa wuxuu aad u door bidaa inuu noqdo Codka Lamaanaha uu jecel yahay.

Marka uu ku soo eego qof aad jeceshahay oo ay indhihiinu is qabtaan waad Naxdaa, wadnahaaaguna si aan Caadi ahayn ayuu u sii garaacmaa.

Hadduu ku hayo Jacayl dhab ahi aragtida indhahaaga iyo Qalbigaada waxaad Wehel uga dhigtaa Lamaanaha aad sida Xaqiiqda ah u jeceshahay, mar walbana waxaad jeclaataa la joogiisa, Codkiisa iyo aragtidiisa.

Qofka wax jecel uma Quuro Lamaanaha uu jecel yahay Been, Khiyaano iyo Hadal Xun, Guusha horumarka Noloshiisana wuxuu arkaa isaga oo hanta Qalbiga Lamaanaha uu Jecel yahay.

Qofka wax jecel wuxuu jeclaadaa in Dadka oo dhami ay la jeclaadaan Lamaanaha uu jecel yahay, Wakhtigiisa qaaliga ah iyo Naftiisana wuxuu u huraa Hanashada Lamaanaha uu jecel yahay.

Qofka Wax jecel ma dareemo Qalad ama Xumaan kasta oo kaga yimaada Lamaanaha uu jecel yahay ha yaraato ama ha badnaatee.

Jacayl daacd ah:- Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo.

Jacayl gaaban:- Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii.

Jacayl danaysi:- Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma.

Jacayl Xushmo: Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go,aansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta.

Jacayl Socod wadaag:- Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado.

Jacayl Guud:- Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm

Jacayl Laab-la-kac ah:- Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun.

About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger