Jaceyl Dhab Ah - Shan qodob ku Dareen sii Xaaskaaga Jaceyl Dhab Ah


SHAN QODOB KU DAREEN SII XAASKAAGA JACEYL DHAB AH.


Ragga badigooda waxaa ku adag iney fahmaan waxa ay rabto Xaaskooda. Ogoow Gabadha waxey ka rabtaa mar walba Ninkeeda inuu Dareensiiyo Xasilooni, Jaceyl iyo Kalsooni ay Farxadi ku dheehan tahay.


Amaanta iyo Hadalada Macaan uu Ninkeeda ku yiraahdo waxey ka Caawisaan iney ku iloowdo dhibaatooyinka ay Nolosha kala kulmeyso.


War Ninyahow Aniga waxaan ku leeyahay mar kastaba Xaaskaaga dareen sii Jaceyl Dhab Ah.

Hadaba sidee ku dareen sii kartaa xaaskaaga Jaceyl Dhab ah?



1- Dareensii iney tahay Saaxiibadaada dhabta ah oo aaney jirin Cid kale oo aad u sheegatid Sirtaada iyo Farxadaada.


2- Dareensii inaad Caawinaadeeda u baahan tahay, Isla markaasna Tus inaad Had iyo jeer u Debacsan tahay Dhankeeda.


3- Dareensii Nolol Farxadeed oon ka marneyn Romantic, sida: Dhunkashada ama Adiga oo ku Seexda Dhabteeda ama Adigoo Hab siiya oo aad Laabta gelisid. (Ogoow Daqiiqad keliya oo aad Laabta gelisid, iyada waxey kaga Qiimo badan tahay Wax kastoo Dunida Guudkeeda saaran).


4- Bar dhegaheeda iney mar kasta kaa maqlaan Hadalada macaan ee Laabteeda Daawada u ah, isla markaasna dareensiinaya Xasilooni iyo Farxad Qalbigeeda.


5- U muuji Naxariis Adigoo eegaaya sida ay Hooyo, Aabe iyo Dhammaan Reerkooda ay uga soo Go'day jaceylka ay Adiga kuu qabto dartiis.


Ogoow, Haddeey intaasi kaa hesho, weligeeda kaa Ag dhaqaaqin meyso.



About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger