Muqdisho 2020

Aktualisiert: Sept 18


Taalada Dhagaxtuur, Muqdisho 2020

Muqdisho 2020 – Bilicda caasimada Somalia ee Muqdisho 2020. Maxaa ku soo kordhay caasimada dalkeena hooyo ee Muqdisho. Horumar nuucee ah ayeey hiigsaneysaaa Muqdisho 2020. Waxaan maanta qormadeena ku soo qaadaneynaa horumarka caasimada dalkeena ee Muqdisho. Inta aanan uguda galin bilicda caasimada ee Muqdisho 2020. Aan barano xagee ku taalaa Muqdisho qaarad ahaan?

Waan ogahay in aad taqaaano balse waxaa jiro dad badan oo inaga mid oo aanan aqoon halka ay ku taalo caasimada dalkeena ee Muqdisho. Waxaa muhiim ah in aynu barano dalkeena hooyo guud ahaan sida 18 ka gobol ee Somalia - 18 Regions of Somalia.


Hadaba Muqdisho maxey tahay xageese ku taaalaa?


Muqdisho waa caasimada Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, waxa ay caasimad u tahay dalkeena hooyo oo dhan waxa ayna ku taalaa galbeedka Badda Soomaaliyeed ee Indian Ocean, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay Badda Soomaaliyeed kaga wareegsan tahay sadax jiho.

Goormee la aas aasay Muqdisho?

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas'aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Maxay ahaan jirtay Muqdisho?

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari.

Imisa xaafadood ayeey ka koobnaan jirtay Muqdisho?

Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo ay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Macnaha magaca Muqdisho?

Asalka magaca Muqdisho ayaa aragtiyo badan oo ay ka mid yihiin ka Soomaali erayga Muuq Disho taasoo la micno ah hortiisa-dilaaga. ama reer Faaris erayga Maq'ad-i-Shah مقعد شاه ), oo macnaheedu yahay "kursiga Shah

Sidoo kale Muqdisho Waxaa loo yaqaanaa Xamar (Af-Ingiriis: Xamar ). Fikrad kale ayaa ah in laga soo qaatay xididka carabiga ee 'mqds', oo macnaheedu yahay "meelay ku yaalliin (meel)". Sahamin qarnigii 16-aad Leo Africanus wuxuu magaalada u yaqaanay Magadazo (alt). Magadoxo )

Maxay soo martay Muqdisho?

Caasimada Soomaaliye ee Muqdisho waxa ay soo martay marxalado kala duwan sida gumeysigii talyaaniga, dowlado kale duwan tusaaale ahaan, Dowladii Aadan Cadde, Dowladii Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke, Dowladii Maxmaed Siyaad Barre iyo dagaaladii sokeeye.


Horumar nuucee ah ayeey sameysay Muqdisho?

Muqdisho waxa aysameysay horumaro kala duwan ilaa waqtigii ay caasimad ahayd waxa ay u dhabar adeegtay colaad tii ugu dheereed.

Muqdisho waa magaalada ugu weyn dalka Soomaaliyeed, ugu dadka badan sidoo kale waa gobolka ugu yar waxa ayna kamid tahay magaalooyinka ugu taariikhda badan dalkeena.

Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaliya ma ahan caasimad ee sidoo kale waa gobol kamid ah goboladda Soomaaliya iyadoo weyninkeedu yahay 91 km²

Magaca loo yaqaano caasimada dalkeena ee Muqdisho

Waxaa loo yaqaanaa ma la oran jiray luultii badda Hindiya ( The white Pearl of the Indian Ocean)

Maxay Muqdisho caan ku tahay?

Waqtigii ninka safraaga caanka ahaa ee la oran jiray Ibn Battuta e u dhashay dalka Marookko ayaa waxa uu ka soo muuqday xeebaha Soomaaliya taariikhdu markey ahayd 1331 gaar ahaan xeebta Muqdisho.

Magaaladu waxa ay xudun u ahayd barwaaqo wuxuuna ku tilmaamay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho in ay tahy “magaalo aad u weyn” oo ay leedahay ganacsato badan oo hodan ah, oo can ku ahaaa dharka tayada sare leh ee ay u dhoofiso Masar iyo meelo kale .

Magaca Muqdisho sida uu ku yimid


Habka magaca magaalada Muqdisho ay ugu baxday ma aha wax dhalanteed iyo mala-awaal ah, ee waa wax macno fog iyo qiimo gaar ah ku fadhiya. Waana sheekooyin u noqonaya taariikho fog. Waxa ayna ifinayaan dhacdooyin iyo isbedello xilliyeedyo xiriirsan.


Magaca "Muqdisho" waxa uu ka kooban yahay laba erey oo isu tegay sida magaca magaalada "Xadra-muud حضر موت".

waxa uu ka yimid isa saarka labada erey ee "Maqcad-Shaah مقعد الشاه" ereyga hore ee "maqcad" waa erey asalkiisu carabi yahay oo la micno ah meel la fariisto ama kursi ama halkii uu doortay in uu boqorku ka dhigto saldhig.

Ereyga labaad ee "Shaah" waa erey asalkiisu uu yahay faarisi, oo luuqada faarisigu carabi ahaan ku noqonaya Boqor. Waxaa kale oo uu isla ereyga "Shaah" uu afka masaaridii hore uu ku ahaa "Fircoon" ka dibna isbeddel iyo isrogrogga afafka ayaa ku soo dhacay labada erey ilaa markii dambe ay isku noqdeen "Muqdisho".

Markii qoraal ahaan afafka Laatiinka lagu qorey isla magaca Muqdisho waxa ay u dhawaaqday ama u qorantay siyaabo kala duwan. Tusaale ahaan Afka Soomaaliga waxa loo qorayaa Muqdisho, afka Carabigana مقديشوا, afka Talyaanigauna Mogadiscio, afka Ingiriiskuna Mogadishu.

Ugu dambeyn markii uu batay isticmaalka ereyga "Maqcad-Shaah" ayaa waxa uu noqday "Muqdisho".

Sida ay ku timid in Muqdisho loogu yeero luultii badda Hindiya

Muqdisho waa magaalo madax oo deked weyn leh kuna taalo Badweynta Hindiya ama loo yaqaano Indian Ocean, carabtu qarnigii 10aad ee uu qaatay Suldaan Zanzibar sanadkii 1871 waxaana laga iibiyay talyaaniga sanadkii 1905.

Xaga dalxiiska Magaalada Muqdisho

Dalxiis ahaan caasimada dalkeena ee Muqdisho waxa ay lahayd dalxiisayaal fara badan waxa ayna ahaan jirtay caasimadaha Afrika ugu dalxiiska badan, waxa ay lahayd goobo qadiimi ah taariikh fog leh iyo xeebaha ugu quruxda badan dunida.

Muqdisho: Dhismo ahaan Caasimadu waxaa loo naqshadeeyay si, cajiib ah oo dadku waxa ugu yeeri jireen Itaaliyada yar ( The little Italy) oo ay ugala jeedeen qaabka naqshada, sida ay u muuqato.

Sawirkani hoose waa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho dagaladii ka hor sida ay ahayd. Ka waran maxaa dareentay oo qalbigaada ku soo dhacay? Cajiib, Waaw sidaan miyaan ahaan jirnay? Qabyaalad miyaa dalkeena ka qiimo badnaatay? Shaqsi jecleysi miyaan dalkeena ka doorbidnay? Aaway wadaniyadii? Miyaanan dalkeena danteena gaarka ah ka hormarineynin?


Hadii aad su,aalahaasi isweydiisay waxaa kugu jirto damqasho kistoo wadaniyad ah, Hadii aad iska weyso intaas oo dalkaaga wax qiimo ah kula laheyn waxaad u baahan tahay in aad barato waxay ay wadaniyad tahay.

Halkaan ka baro waa maxay wadaniyad?

Muqdisho dagaaladii ka hore

Muxuu sababay burburkii dalkeena soo gaaray?



Waxa uu bubrukii sababay in dalxiiska wadankeenu uu dib u dhac ku yimaaado xagga amniga iyo dowlad la,aanta, sababtoo ah waxaanan jirin amni lagu kalsoonaan karo oo dalxiisayaashu ku dhiiran karaan in ay soo booqdaan dalkeena inkastoo ay jiraan kuwo iyadoo saas ah yimaada si, ay buugga xusuus qorka ugu qoraan inta aysan dhiman ka hor.

Dalku waxaa ku batay argagixiso iyo dad diinta ka been abuurtay, sidoo kale waxaaan meesha ka baxay shacabkii taa u istaagi lahaaa xag amni iyo xaghorumar, Muwaadin walbaa waxa uu amniga dalkiisa ku haleeyay dowlad uun asigoo iloobay waajibaadka ka saran dalkiisa.

Dadku waxa ay qiimeeyaan shaqsiga markaas talada hayo ee ma qiimeeyaan dalkooda, jaceylka ay u qabaan shaqsigaas ayaa ka weyn kan dalkooda haduu xitaa yahay mid aan dalka u wanaagsaneyn, waxaana inta badan sabab u ah qabyaalad.

Dadku waxa ay dalkooda ka jecelyihiin shaqsi calooshiis u shaqeyste ah oo beriba ka tagayo.

Waxaan ilownay in siyaasigu uu yahay dabeyl, u haad haado sida dabeysha oo kale, dalkuna uu yahay kan weligiis inoo harayo oo nolosha inta inooga dhiman ku qaadan doono insha Allah.

(Xusuusnow hadaanan si, wadajir ah amniga dalkeena ugu shaqeyn, amnigeenu hagaagi maayo dalxiisayaalna warkood daaa).



Muqdisho 2020

Qatar Airways, Muqdisho


  1. Xeebta liido

  2. Daaru salaam

  3. Daljirka Daahsoon

  4. Suuqa Xamar Weyne

  5. Masjidka Isbahaysiga





1. Xeebta Liido

Xeebta Liido, Muqdisho


Xeebta Liido Muqdisho: Waa wadnaha caasimada Soomaaliya waxa ay isu keentaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed Raaskambooni ilaa iyo Raas Caseyr, Qorax joog, Qurbo joog iyo dalxiiseyaal ajnabi ah.

Xeebta Liido waa mid aad u mashquul badan haba ugu darnaatee maalinta khamiista iyo jimcaha oo ay dadku soo buux dhaafiyaan, iyadoo taasi loo aaneynayo maalmaha nasashada shaqada ( BEAUTIFUL WEEKEND)

Xeebta Liido: Waxaa ku yaalo maqaayado caalami ah oo si heer sare ah loo nidaamiyay, hoteelo cajiib ah kuwii ugu danbeeyay.


Mar aan aniga iyo familka halkaasi waqti ku qaadaneynay waxaanba moodayay in aan Yurub joogo, Waxaan isweydiiyay ma Muqdisho ayaad joogtaa mise Berlin? qaabka quruxda badan, soo dhaweynta martida, cunto aad u dhadhan wanaagsan weliba casri ah, hawo aad u macaan badan oo hadaad fariisato aadanba kaceynin.

Xeebta Liido waa goob aad u camiran, Qurbo joog iyo Qorax joog ay isugu tagaan. Hadaba hadii aan amnigu kawada shaqeyno waxaa ku soo dhiiran doono dalxiiseyaal fara badan oo ku riyoonayo in ay yimaadaan mar uun luultii Afrika, anagana waxaan ku damaashaadeynaa dalkeena hooyo si bilaa cabsi ah.


Waan isla fahannay in aan amniga dalkeena guud ahaan ka wada shaqeyno sax?


Dabcan haaa.




2. Daaru Salaam

Beerta Daarusalaam, Muqdisho

Xaafada Daaru Salaam ee loo yaqaano (Daarul Salaam City) Waa xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho. Daarusalaam waxa ay leedahay jid qurux badan oo hab casri ah loo dhisay, waxa ayna gudaha magaalada u jirtaaa ilaa 30 min (12,2 km) via Jidka Sodonka.



Daaru Salaam Citiy Map

Daarusalaam Muqdisho waxa ay sidoo kale leedahay beer aad uqurx badan, waxaa u dalxiis tago beerta daarusalaam ubaxa dalka oo dhan misana ku soo galo sawiro qurux badan.



Waxaa dhisay Daaru Salaam shirkadda Salaam Properties oo kamid ah shirkadaha qeybta weyn ku leh dib u dhiska iyo horumarka dalkeena.


Maxaa loogu yeeraa Xaafada Daaru Salaam?


Xaafada Daaru Salaam waxaa loogu yeeraa xaafada qurbo joogta, dadka ugu badan ee degan waxa ay ka yimideen qurbaha iyagoo ku dhiiraday in ay dalkoodu degaan, kana shaqeystaan, caruurtooduna halkaa ku barbaaraan.

Xaafadu waxa ay leedahay dhismooyin qurux badan laami nadiif ah oo toos u soo galo jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Maxaad ka heli kartaa xaafada Daaru Salaam?


Waxaa laguugu diyaariyay xadiiqo/beer caalami ah oo gudaheed markaa gasho is dhaheyso ma Dubai baad joogta mise Muqdisho? Sidoo kale waxaa ku dhex yaalo maqaayad top ah.




3. Daljirka Daahsoon

Daljirka Daahsoon, Muqdisho

Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho: Waxaa loo yaqaanaa ( The Tomb of the Unknown Soldier ) waa goobaha taariikhiga ah oo shacabka Soomaaliyeed qalbiyadooda ku weyn. Waa goob hadda kamid ah top 5 bilicda dalkeena oo ay dalxiisayaasha ajnabigu buuga ugu qoran si,ay u booqdaaan. Waxaana ka dareemi kartaa Feedback ga laga bixiyay (5 Star ka ah) Hadii aad rabto in aad wax badan ogaato Daljirka Daahsoon ku qor Google " Daljirka Daahsoon ama the tomb of the unknown soldier".




4. Suuqa Xamar Weyne

Muqdisho Mall

Xamar Weyne waa degmo katirsan magaalada Muqdisho waxa ayna kamid tahay degooyinka qadiimiga ah ee caasimada. Xamar Weyne waa dagmo qadiimi ah waana degmooyinka ugu duqsan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Xamar Weyne waaa degmo hidaha iyo dhaqanka ku caan ah waxaad ka heleysaa alaab walbaa oo ku saabsan hidaha iyo dhaqanka sida dharka hidah iyo dhaqanka, Farshaxanka, Calanka, iyo alaabooyin kale. Waa degmo dadkeedu wadaniyadu ku weyn tahay, aaminsan Soomaalinimada oo keliya.

Xamar Weyne waxaa sidoo kale ku yaaalo bacadlihii hore ee Soomaaliya, Muqdisho Mall, in ka badan 25 Masaajido, Hamar Weyne's Friday Mosque (Jimacaha Xamar Weyne.


Xamar Weyne waxa ay kamid tahay degmooyinka gobolka Banaadir kuwa ugu yar uguna qadiimisan. Hadaad Muqdisho maqasho waa Xamar Weyne iyo Shangani. Macnaha labada degmo ee ugu qadiimisan.




5. Masjidka Isbahaysiga

Masjidka isbaheysiga islaamka

Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho waxa uu ka mid yahay masaajidda ugu caansan gudaha dalkeena, waxa uu ku yaallaa ka soo horjeedka xarunta golaha baarlamaanka ee degamada Waaberi.

Masjidka Isbaheysiga ayaa dhul ahaan waxa uu ku fadhiyaa dhul aad u baaxad weyn waxa ku dhex yaallo maktabad iyo barxad weyn oo loogu talo galay in lagu baakinto baabuurta.

Sidoo kale waxa uu kamid yahay Masjidka isbaheysiga masaajida ugu caansan dowladaha Islaamka waana qeyb kamid ah bilicda caasimada dalkeena hooyo ee Muqdisho.

Masjidkaan ayaa waxa uu ka mid yahay goobaha taariikhiga ah oo uu leeyahay dalka, waxa uu leeyahy dad ku xiran oo jamaaco ah kuwaas oo inta badan ku tukada salaadaha waxayna u badanyihiin mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Masjidak waxaa la dhisay xiligii dowladii kacaanka waxaana dhisay dowladda Sacduudiga sanadkii 1976, burbur soo gaaray dagaaladii sokeeye waxaa dib loo dayac tiray xilligii dowaddii Sheikh Shariif sheikh Axmed waxaana bixiyay lacagta lagu howlgaliyay dhismaha masjidka xildhibaanno ka tirsanaa dowladdii xiligaas jirtay iyo ganacsato Soomaaliyeed.





About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger