Sawiro jaceyl oo xul ah kuwaasoo kuu sahlayo soo jiidashada qof aad jeceshahay


Sawiro Jaceyl oo xul ah

Sawiro jaceyl oo xul ah kuwaasoo kuu sahlayo soo jiidashada qof aad jeceshahay. Waa maxay sababta ay muhiim u tahay adeegsiga sawiro jaceyl romantic ah? Inaad adeegsato sawiro romantic ah waxa ay qeyb ka tahay hanashada qalbiga qofka aad jeceshahay. Ku cabir dareenkaaga sawiro jaceyl dhab ah oo u dir lamaanahaaga adigoo raacinayo erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh.


  1. Geeraar jaceyl ah oo gaaban

  2. Baro Erayo Jaceyl ah

  3. Sidee loo qoraa Shukaansi qoraal ah?

  4. Sidee loogu qoraa erayo jaceyl oo amaan ah?

  5. Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

  6. Fariimo jaceyl ah oo soo jiidasho leh


Hadaba maanta waxaan akhristayaasheena caashaqu haleelay ee ku xiran somger.com ugu talo galnay sawiro qurux badan oo xul ah.

Inta aanan uguda gelin sawiro jaceyl oo xul kuwaasoo kuu sahlayo soo jiidashada qof aad jeceshahy waxaa fiican in aan isla meel dhigno goorta la adeegsado sawiro romantic ah.


Hadaba su,aashu waxa ay tahay..

Qof aan shalay isbaranay ma u diri karaa sawiro jaceyl ah?


Jawaabta macquulka ah waa: MAYA!


Sababtu waxa ay tahay qof aad shalay isbarateen suurto gal ma ahan in aad jeceshahay, xitaa hadii ay dhab kaa tahay oo aad ka heshay maba kaa aqbalayo. Haduu wiil yahay qofka aad udireyso sawiro jaceyl ah kaba daran waayoo waxa uu kuu arki in aad tahay qof daciif ah oo ninkey aragto horay ka jeclaato.

Sidoo kale gabdhuhu xitaa ma jeclo nin deg deg badan oo ka soo hormaro waqtigiisa marka hadii aad adeegsato sawiro romantic ah adoo is dhahayo „iska dhig nin romantic ah oo soo jiidasho badan ama in aad bilaawdo jilitaanka filim hindi af somali ah oo kale sida Aamir Khan filimkiisa Mera Mann markuu dhahayo markaan ku arkay geeraar ayaan soo xusuustay”..



Haadka samada duuliyo

Hibashada kalgacalkaan

Kaa heebinaayo

Ma hurdo habeenkii

Maharsado dharaartii

Haka baqin sheekadu

Hadal kuu dhameeyoo

Kuu huurshay mirahoo

Ma heysaa maqashayee macaaneey?



ADIGAAAAA!! Saaxibow goorme i jeclatay shalay uun bad ibarataye? ayaa lagu dhihi doonaaa.


Hadii qofku shukaansi idin dhex maray oo xiriirkiinu cusub yahay waxaa haboon in aadan ku deg degin sawiro jaceyl ah sida in aadan ku dhihin „waan ku jeclahay macaanto” oo aad adeegsato sawiro ubax ah, maxaayeelay ubaxu inta uu cusub yahay ayaa la waraabiyaa, jaceylkuna markuu cusub yahay waxaa lagu kobciyaa ubaxyo iyo erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh.


Haddii aadan aqoonin halkaan ka baro oo riix: Erayo Jaceyl


Waxaad maqli jirtay fanaanada caanka ah Khadro Daahir Cige oo oraneysa „Ubax baan sidaa kula soo ordee maad iga aqbali?”. Heestu erayadeedu waxaa kamid ahaa....

Dadko uruurayoo isu tegay dhammaan ma ogaan karaan mooyee isaga! yaa uga warrama arammidu inay eel dheer taqaan?

Hadba waxan arkaa ano ay cidla ah eri-dhaban sidii kuu ololayee! ubax baan sidaa kuula soo ordee maad iga aqbali? Eedaad kalgacal adaa igu unkaye dhibta mawga bixin? naftan ku oggolee kuu abaajidee kuu abaydintaa ee kugu indha la’ usha maad u qaban?

Ifafaala iyo sahan aragti dheer sida awliyaan ku oddorosayaa yaan ilo biyo leh ku agmeerayaan oonku iga ba’ayn

Garta odayadaa la i soo dhigaa arji iyo aqoon afti kaa baxshee yey ku dhicin ilmadu dhir abaarsatee isha sacabka mari!

Eedaad kalgacal adaa igu unkaye dhibta mawga bixin? naftan ku oggolee kuu abaajidee kuu abaydintaa ee kugu indha la’ usha maad u qaban?


Waa cajiib sow maahan? Dabcan: HAAAA.

Qofku markuu ubax sido wuu dareemi karaa erayada heesta, sababtoo ah waxa ay ku turujumeysaaa abuurida ubax jaceyl oo udug ah ama si, kale aan u iraahdo xiriir jaceyl qof kugu cusub in aad u soo bandhigto dareenkaaga.


Marka aan u guda galno Sawiro jaceyl oo xul ah kuwaasoo kuu sahlayo soo jiidashada qof aad jeceshahay.



Sawiradu waxa ay ka kooban yihiin shan sawir...

  1. Sawiro jaceyl oo xul ah

  2. Sawiro jaceyl oo xul ah

  3. Sawiro jaceyl oo xul ah

  4. Sawiro jaceyl oo xul ah

  5. Sawiro jaceyl oo xul ah





N 1. Sawiro Jaceyl oo xul ah

Ubax Jaceyl

Waxaa u tahay nafteyda raxmad, wehel iyo hadiyad aanan qof walbaa la gudoonsin. Marka iga gudoon ubaxaan casaanka ah ee ka turjumayo dareenka qalbigeyga.




N 2. Sawiro Jaceyl oo xul ah


Waxaan ku siin lahaa wax walboo aad ku dhoola cadeyn kareyso

sababtoo ah dhoola cadeyntaadu waxa ay ifisaaa qalbigeyga.




N 3. Sawiro Jaceyl oo xul ah

Waxaad sabab u tahay in aan dhoola cadeeyo iyo in aan faraxsanaado. Waan Ku jeclahay.




N 4. Sawiro Jaceyl oo xul ah

Magacaaga ayaan ku qoray samada, laakiin dabaysha ayaa qaadday. Magacaaga ayaan ku qoray ciidda, laakiin hirka ayaa qaaday. Magacaaga ayaan ku qoray qalbigayga, weligiisna wuu ku qornaan doonaa.




N 5. Sawiro Jaceyl oo xul ah

“Adigu, waxaa laga yaabaa in aan kuu ahay hal qof laakin anigu waxaa ii tahay aduun.” Waan kuu xiisay.



About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger