SOMGER - Mogadishu - Somalia -Waa maxay wadaniyad?

Aktualisiert: Jan 28


Si aan isula fahanno macnaha wadaniyadda waxaa lagama maarmaan ah inaan kolka hore wadajir isula eegno macnaha muwaadin.                                                                                         Qeexmooyinka care-edeg ee ereyga muwaadin waxaa kamida;



Waxaan idinla wadaageynaa team ahaan kulankeena ugu horeeyay ee aan sameynay oo ahaa sidee dalka wax ugu qaban karnaa maxaaase shaqsiyan dalka wax ugu tari karnaaa


Qof dalka u dhashay ciid ahaan ama sifo kale sharciyeysan ku helay xubinnimada daleed kaas oo lagu leeyahay waajibaad, isaguna leh mudnaan.

Muwaadinnimadu waa;

Astaanta mideysa dad meel gaar ah kuwada noolAqoonsiga cadeeya xubinimada dad dal ku kunoolDabarka isku xira dowladda iyo dadkeeda

Guud ahaan muwaadinnimadu waa hoos joogga maamul iyo xeerarka dal gaar ah weliba si-joogto iyo dhameyba ah.

Dhalad iyo muwaadin in-kastoo ay isu dhow yihiin haddana waxaa jira kala duwanaanshiyo gaaban oo u dhexeeya.                                                                                                                          


Dhalad waxaa la yiraahdaa qofka ciid ahaan dhulka u-dhashay, muwaadinkuna waa qof ama gudaha dalkaas ku dhasha amaba sifo sharci ah ku qaatay aqoonsiga muwaannimo ee dalka. Xeer ahaanna dhamaan xubnaha dhalashada dalka haystaa waajibaad isku mid ah ayaa saaran, mudnaan isku mid ahna way ku leeyihiin dalkooda.

Muwaadiniintu waa cid-kastoo gudaha dalkeeda kuleh;

Xorriyad isu-socod iyo mid deganaanshiyo oo leh nolol fiicanXorriyad fikir, mid dhaqan iyo mid diimeedXorriyad fagaare, mid isu-tag, iyo mid dhaqdhaqaaqXorriyad ka caagan adoonsinimo, iyo maxbuusnimo dow-darro ahXuquuq la xiriirta difaaca noloshooda, gaar ahaan cadow banaanka kaga iman karaXuquuq la xiriirta awooddooda xeer bedel (weliba si-dhakhso ah)Xuquuq shakhsiyadeed, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaalebaXuquuq la xiriirta dhaqan-wadaagga, iyo ka qayb galka siyaasaddaXuquuq la xiriirta lahaanshiyaha hanti gaar ahaaneedXuquuq la xiriirta shaqada iyo helitaanka adeegyada dadweyneXuquuq la xiriirta helitaanka deegaan caafimaad ahaan dheelli-tiranSinaan dadweyne weliba dhanka siyaasadda……….


Muwaadiniita waxaa saaran mas’uuliyado qofeed, mid qoyseed, mid bulsheed, iyo mid dastuureed, kuwaas oo ku kala badan dalalka waxaana kamida;

Adeecidda xeerarka dalkaTix-gelinta mudnaanta dadka kaleBixinta canshuurahaAhaanshiyaha qof war gashan, gaar ahaan arrimaha dadweyneCodeynta iyo ka qayb galka arrimaha bulshadaDaba-galidda hoggaamada siyaasadeed, iyo saraakiisha dowliga ahU-dagaalamidda dalka ciidan ahaan, markii laguu baahdoTaageeridda qoyskaaga, diintaada, bulshadaada iyo qarankaagaIlaalinta qarannimada.


Waa maxay wadaniyaddu, yaase wadani ah???

Muwaadin iyo Wadani in-kastoo ay isu dhigaal dhow yihiin haddana waxaa jira kala duwanaanshiye u-dhexeeya.

Muwaadin: waa qof haysta dhalashada dal (amaba ciid ahaan ugu dhashay amaba tilmaan sharciyeysan ku qaatay).

Wadani: waa qof leh feker, fayiigsi, iyo fal ay ku laran yihiin dareen-sid dal iyo dadeed, mudnaantana siiya sarreynta sharciga dalkiisa.

Ogow oo qof kastoo wadani ahi waa muwaadin, asii qof kastoo muwaadin ahi wadani maahan.


Colaadaha sokeeye ee dalkeena ragaadiyay waxay meesha ka saareen waxbarashadii, arrintanina waxay waayeel ka noqotay caruurteenu inayan ogaal iyo aqoon toonna ka helin ahaanshiyaheena dadeed, iyo lahaanshiyaheena daleed. Waxaana dadka iyo dalka dhexdiisa ku xoogeystay mooryaan, qowleysato, iyo qabqableyaal hiddi-waalideystayaal ah oo feker iyo fal walboo ay sameynayaan ka dhex-eegta danahooda gaarka ah, arrintanina waxay cawartay fahamka wadaniyadeed ee muwaadin walboo 91-kii ka dhalasho dameeyay.

Wadaniyaddu waa tilmaan ka dhalata falalka, fayiigsiga, iyo dareen-sidka da leed iyo dadeed ee muwaadinka. Waana dabar adag oo jacayl ku dhisan oo isku xira muwaadinka iyo dalkiisa iyo dadkiisaba.


In la helo tiro badan oo muwaadiniin ah, waxaa ka tayo iyo tiigsi wacan in la helo tiro wadaniyiin ah oo  yar.

Halganka gacan ku rimiska ah ee muwaadiniintu ay sida is-tuska ah u curiyaan dhaawaca ayuu u dhutiyaa, meel dhowna ma dhaafo, asii halganka wadaniyiintu ay sida niyad samida ah u curiyaan, dheel-dheel kuma kufo, maqaam sarena waa gaaraa.

Taariikhdu mawada xusto muwaadiniinta ee wadaniyiinta ayey wada xustaa…

Wadaniyiintu waxay uga dhex-muuqdaan muwaadiniinta sida ubaxu uu uga dhex-muuqdo geedka intiisa kale.

Wadaniyaddu maahan qoridda qormo lagu laray qiiro aanan qalbiga gaarsiisneyn, sidoo kale wadaniyaddu maahan halganka aanan himilada lahayn ee dan ku-gaarka ah.

Wadanigu waa midka guushiisa gaar ahaaneed ka dhex-dhowra guusha guud ahaaneed ee dadkiisa iyo dalkiisa.                                                                                                                   


Wadanigu ma sheegto wanaagga uu dadkiisa u-falo.

Wadanigu waa; Muwaadinka dalkiisa iyo dadkiisa markii ay maradu ka feydmato u ceeb asturaMuwaadinka xumaha dadkiisa iyo dalkiisa aanan cadowgooda u kashifin

Wadanigu ur ahaan waa sida miskiga, dhadhan ahaan waa sida malabka, si-kastoo nolosha dadkiisu ay sagxadda u-fadhido isagu waa mid kor u haya waana ruux aaminsan noloshiisa oo idil inay ku dhisan tahay wanaagga dadkiisa.

Weligii wadanigu waa same-fishe, raja-dhimasho ma yaqaan, oo waxaa mar walba u muuqda iftiin ayan muwaadiniintu wada arag.                                                                                 Si-kastoo talada dadkiisa ay u gacan-maroojiyaan bah tuuganimo iyo talo-keliyeysi ku dhisan, qaddiyaddiisa dal iyo dad jacaylnimo marnaba ma dhimato, xataa haddii mooryaanta taladoodu ay dheeraato.

Inta badan doorashooyinka dalkeenu markay soo dhawaadaan, bulshada waxaa kasoo dhex-baxa rag badan oo qiireysan, raggaasi maalmaha ay olalaha ku jiraan waxay jilaan wadaniyiinta, asii waxay kasoo foofaan xurfado dhiiqeysan, ujeedkooduna ka dheer wadaniyad, waana dan raadiyeyaal.

Wadaniyaddu maahan markii aan kursiga ku fariisto ayan dadka u adeegayaa, ee waa dhiig u-shibidda dadka iyo dalka inta itaalka iyo taladu ay kugu jirto.    Wadanigu waa qof sumcad iyo magac ku dhex-leh bulshadiisa, xataa hadii uu dhinto waa mid aragtiyihiisa iyo wanaaggiisu ay ku dhex-nool yihiin quluubta bulshadiisa.

Qore: Barkhad Cabduqaadir Awcali



About Me

Hi

My name is Mustafa Mmj, I love to travel. My biggest passion is traveling the world and experiencing new adventures and cultures. I live for it. I was born in Mogadishu and  live in Munich, but most years I manage to get three months off from my job to travel the world and write about what I see, hear, feel and do.

Then I go back to work with my heart full and start saving and planning for my next adventure to a new destination.

Sometimes, I find destinations that I just cannot get enough of, and then I have to return there to learn and experience even more.

Some of the countries I have been to are Turkey, Qatar, Italy, Norway, Sweden, Somalia, Austria, Greece and Denmark.

 

My goal is to build FREE travel guides, where I can share my experiences and whatever lessons I pick up along the way.

I hope you enjoy my travels and please let me know if you have any questions. I love receiving comments and emails about the blog posts that I write.

Bye for now.

Mustafe

 

 

Contact Me:

Somgertravel@gmail.com

Join My Mailing List

© 2020 by SOMGER.COM.

  • White Facebook Icon
  • Somger